Maxkamada Racfaanka ee magaalada Baydhabo oo maanta Qaaday dacwadii loo heeystay Gudoomiyhii Maxkamada Sare ee Dowladda KMG.

guddoomiyaha-maxkamada.jpg 

Gudd. Maxkamada Sare

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in maanta ay ka billaabatay Dacwadii loo heeystay Gudoomiyihii Maxkamada Sare iyo garsoore ka tirsan maxkamadaasi.

Warku wuxuu intaa ku daray in si weeyn loo adkeeyay amaanka Maxkamada Racfaanka ee gobolka Bay, iyadoo dhageeysiga dacwadii loo heeystay gudoomiyhii Maxkamada Sare Dr Yuusuf Cali Haaruun iyo garsoore sare Sheegoow loo ogolaaday dadweeynaha in ay ka qeeyb galaan.

Arrimaha  loo heysto labadan masuul ayaa waxaa ugu weyn Xatooyo hanti qaran iyo qaran dumis. Waxaa la soo sheegay in Axmed Diiriye oo ka mida qareenada u dooda eedeeysanayaasha uu ku dooday in qodobadasi lagu soo oogay Dr Yuusuf Cali Haaruun iyo garsoore Sheegoow ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin isla markaan la doonayo in lagu jaha-wareeriyo dadka aan la socon sababaha dhabta ah ee loo soo xeray masuuliyiintaas.

Hase ahaatee Maxkamada Racfaanka ayaa markii ay dhegeeysatay dacwadii lagu soo oogay iyo jawaabihii ay ka bixiyeen qareenada ayaa waxaa ay go’aansatay in Dibna loogu celiyo maxkamada Gobolka si ay u go’aamiso, iyadoo loo balamay maalmaha soo socda in dacwada ay halkeeda ka sii socoto.

Waxaa dadka Soomaalida iyo dhamaan beesha caalamka ayaa ogsoon in dacwada loo heeysto Dr Yuusuf Cali Haaruun uu ahaa mid sharci daro ah kuna saleeysana yahay qaab siyaasadeed, basle waxaa ay is weyn u sugayaan halka ay sal dhigato arintaasi.

Waxaase jirta haddii loo eego qaabka ay dacwada u socoto ayaa waxaa kuu soo baxaya in aysan wax ka soo naaso caddeeyn isla markaan ay u muuqato is jiid jiid.

Si kasta ha ahaatee Horay ayaa waxaa loo sheegay in Maxkamadan aysan qaadi Karin dacwada loo heeysto Dr Yuusuf Cali Haaruun waxaan loo wareejiyay Maxkamada gobolka Bay hadana waxaa la is weeydiinayaa waxa dib loogu soo celiyay Maxkamada Racfaanka qaadista dacwadan.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com 

%d bloggers like this: