John Holmes
Halkaan ka akhriÂ
War maanta ay soo saartay Hey’adda QM ugu qaabilsan gargaarka bani’aaddannimo ayaa shaacisay in ay sii laba laabi doonto gargaarka banii’aadmino ee la gaarsiiyo shacabka Soomaaliya ee ku tabaaleysan gudaha dalkooda, kuwaas oo ka carraraya waxyeelada dagaallada aafeeyey guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.Â
Mudane John Holmes oo Qaramada Midoobay  ugu qaabilsan dhinaca gargaarka banii’aadmino oo saxaafadda kula hadlay magaalada New York ee xarunta QM ayaa shaaciyey in dalka soomaaliya ay ka jirto baahi ballaaran ee xagga Cuntada, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in laba laabo gargaarka degdegga ee ay u baahan yihiin dadka ku tabaaleysan Soomaaliya.Â
Mas’uuku  wuxuu intaa ku daray in dalka Somaliya ay ka dilaaceen abaaro xoogan,kuwaasi oo sii murjinaya xaaladaha banii’aadminimo ee ka jira dalka,xilli malaayiin qof oo dagaalada ka barakacay ay ku rafaadsan yihiin gobollada dalka.
SomaliSwiss New York
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.