Al-Fannaan Jaangow
Halkaan ka akhri
Fanaanka Weyne ahna Mulaxaniiste Axmed Nuur Jaangow oo malmihii ugu dambeeyay ku xanuunsanaayay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isbitaalka Madiine, ayaa Maanta oo ay Tariikhdu tahay 25/March/2008 ku Geeriyooday Isbitaalka Madiine ee Magaalda Muqdisho.
Allaha U Naxariistee Axmed Nuur Nuure Iidoow (Jaangoow) oo ka mid ahaa Fanaaninta Soomaaliyeed ayaa waxaa uu manata ku geeriyooday magaalada Muqdisho waxaana ay timid Geerida Marxuum Jaangoow kadib markii uu la soo dersay Xanuun Dhanka Wadnaha ah.
Axmed Nuur Jaangoow ayaa waxaa si weeyn loogu xasuustaa dhinaca Fanka oo uu waayo Badan ku soo jirayisagoona ka mid ahaa laxamiistayaashi hore ee Qaranka Somaliyed.
Marxuumka ayaa ahaa Heesaa iyo Mulaxamiintayaasha gacan ku tirska ah ee ku suganaa Dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Al-Fannaan Axmed Nuur Jaangow ayaa ahaa Mulaxamiiste Sameyn jirayna ereyada Heesaha ah, wuxuuna ahaa sidoo kale Fanaan ku Luuqeeya Heesaha.
Murxuumka ayaa lagu wadaa in lagu duugo Maanta Magaalada Muqdisho, iyadoo Isbitaalkana ay soo buux dhaafiyeeyn dadweyne aad u fara badan oo iyagu aad u yaqaana Fanaankaan Maanta ku Geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss Muqdisho
Axmed Nuur Jaangow & Surqa Yareey
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.