C/Kariin Laqanyo, oo Isbaheysiga Dib-U-Xoreynta Soomaaliya ka dalbaday inuu ku soo biro, kadib markii..

C/llaahi & Laqanyo

C/kariin Laqanyo

Halkaan ka akhri

laqanyo & Musafin Sida ay shegayaan ilo xog-ogool ah waxaa fashilmey oo is mari waa ku dhamaadey xiriirro iyo kulamo dhex marey Safiirkii hore ee dawladda KMG Imbaghatti u joogey Ethiopia & Koonfur Afrika C/kariin Laqanyo oo mucaarad noqdey markii C/llaahi Yuusuf uu xilkii ka qaadey, waxaana xubno ka tirsan Isbahaysigu u sheegeen inuu marka hore Ummaddda Soomaaliyeed uu ka galay cafisna weydiisto uuna garawsado khaladaadkii uu geystey, isna waxa uu ku adkaystey in marka hore la qaabilo.

C/kariin Laqanyo ayaa la sheegey in ay dhowr jeer isku dheceen C/llaahi Yuusuf kadib markii lagu eedeeyey inuu yahay nin si toos ah uga amar qaata Melez Zenawi oo aan isu haysan inuu u shaqeeyo dawladda KMG C/llaahi Yuusuf, waxaana uu ka mid ahaa shaqsiyaad Siyaasadda ku soo galay xiriir fiican oo ay la lahaayeen saraakiil Ethiopian ah.

C/Kariin Laqanyo ayaa ah ninka sida weyn ugu ololeeyay soo gelitaanka ciidamada gumeysiga Ethiopia isagoo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed qaar ay u yaqaanaan wiilka Melez Zenawi daacadna u ahaa Siyaasadda dowladda gumeysiga Ethiopia.

C/kariin Laqanyo oo ahaa ninkii xarunta Midowga Afrika Soomaaliya u joogey ee afhayeenka u ahaa difaacidda duullaankii Soomaaliya ay gumeysiga Ethiopia ku soo qaadey ayaa maanta markii uu xilkiisii waayey oo C/llaahi Yuusuf eryey wuxuu magaalada London dadka ku laxawsanayaa hadallo uu isugu ekeysiinayo nin ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada gumeysiga Ethiopia ee dalka Soomaaliya waxaana uu wareysiyo uu bixiyey ku sheegey hadallo ay ka mid yihiin in Soomaaliya aysan argagixiso joogin iyo hadallo la mid ah, waase goorma? Waa markii uu waayey xilkii Siyaasadeed ee uu ku doorsadey duullaankii lagu soo qaadey dalka Soomaaliya.

C/Kariin Laqanyo ayaa sidoo kale sadadii lasoo dhaafay ee 2007-da isu soo sharaxay Ra’isal wasaaranimada dowladda KMG ah, kadib markii Cali geedi boosta laga tuuray.

Ilo wargal ah

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: