Kooxaha Xaq u dirirka ee ka soo Horjeeda Dowlada la shqeysa Gumeysiga Ethiopia oo la wareegay Saldhiga Degmada Hodan.

askari-somali-ah.jpg

Askari saakay la dilay

Halkaan ka akhri

Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka kala duwan ka dib ayaa kooxaha ka soo horjeeda Dowlada kmg ah waxay la wareegeen Gacan ku haynta saldhiga Degmada Hodan sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay ee ka soo baxay dadka deggan degmada Hodan.

askari-somali-ah.jpg

Iska hor imaadka ayaa wuxuu ahaa mid xoogan oo laysku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac keenay, islamarkaana saamayn ku yeeshay agagaaraha suuqa bakaaraha.

Kooxaha la dagaalama ciidamada Dowlada ayaa waxaa u suura gashay inay la wareegan gacan ku haynta Saldhigga Hodan, islamarkaana qasaare u gaystay Ciidamo ka tirsan Booliska Dowlada sida ay ku waramayaan dadka deegaanka.

Si kastaba ha’ahaatee dagaalka ayaa haatan u muuqda mid qaboobay islamarkaana aan si weyn loo maqlayn Xabadaha ay isku ridayaan labada dhinac.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: