Hay’ada MSF oo sheegtay in ay dib u bilaabayso Howlihii ay ka haysay Gudaha dalka Soomaaliya.

MSF Spain

Hay’adda MSF

Halkaan ka akhri

War ay Maanta shaacisay Hay’adda caalamiga ah ee dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn MSF ayaa sheegaya inay dib ugu laabanayso qaybo ka mid ah Soomaaliya taasi oo ku aadan in ay soo hagaagayso xaalada nabadeed ee deegaanadaasi oo ay horey hay’adu uga baxdey arimo dhanka amaanka ah.

Warka  ay soo baxay MSF ayaa waxaa lagu sheegay in haatan ay muuqanayso horumar xaga nabada ah oo laga gaaray deegaano horey nabadgalyo xumo ay uga jirtey.Hase yeeshee Hay’adda MSF waxay horey  shaqaalaheeda caalamiga ah ugala baxdey qaybo ka mid ah Soomaaliya ka dib markii shaqaale ka mid ahaa hawlwadeenada MSF qaar lagu diley qaraxyo kuwa kalena lagu qafaashey meelo kale.

Sababta ay horay uga baxday magaalada Kismaayo ayaa waxay ahayd bishii January 2008 lagu diley 3 ka mid ahaa shaqaalaha MSF kuwaasi oo laba ka mid ah ay ahaayeen ajanabi halka kan kalena uu ahaa Soomaaliya.

Waxaa  kaloo jiray  in  dabayaaqadii sanadkii 2007-dii ay magaalada Boosaaso lagu qafaashey laba ka mid ahaa shaqaalaha caalamiga ah ee hay’adda MSF Spain, kuwaasi oo la haystay mudo ka badan 10 maalmood.

Balse haddase Hay’adda MSF waxay warbixinteeda ku sheegtey inay  dib ugu laabanayso goobaha xasiloon ee Soomaaliya, taasi oo ku aadan baahida dhanka aadamtinimo ee xiligan ka jirta qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

SomaliSwiss  Nayrobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: