Dowladda Ethiopia oo qandaraas ku qaadatay Ilaalinta Meelaha Shidaalka Laga Baarayo ee Dowlad Goboleedka Puntland.

puntland.jpg 

Baarista Betroolka

Halkaan ka akhri

Waxaa soo baxaya warar tibaaxaya in Itoobiya ay ku lug yeelaneyso shidaalka Puntland soo saaristiisa, Isla markaasna Itoobiyaanka qandaraas lagu siinayo dhismaha Guryaha ay degi doono shaqaalaha ka howlgeliya, hase ahaatee waxaa toddobaakan Garoowe joogay wafti Itoobiyaan ah oo arrimahaas u yimid Puntland.

 Balse waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhexeeya Dawladda KMG ah  iyo Maamul Goboleedka Puntland (DGPL) ee ku saabsan baarista iyo qodista khayraadka dabiiciga ah ee dalka Soomaaliya.

Baarlamaanka Dowladda Gobollada Puntland ayaa cod u qaaday xeerka batroolka kaas oo ay ku kala qaybsameen xildhibaanadu, waxaana sharcigaasi ka caraysiiyey Dowladda KMG, ha yeeshee waxaa arrintaas si xoog leh uga hadlay wasiirka Macdanta iyo tamarta ee Dowladda KMG, Eng. Maxamuud Cali Saalax (Kaanje).

Eng. Kaanje ayaa sheegay in arrinta sharciga batroolka aysan Puntland shaqo ku lahayn oo ay tahay hawsha Dowladda dhexe ee KMG  “Dawlad Goboleedku shaqo kuma leh sharciga Batroolka, waayo haddii kale waxaa loo arkayaa dawlad gooni u taagan, taasina waa khalad.” Waxaana uu xusay in ay jireen shirkado hore oo Soomaaliya heshiis kula jirey oo arrimo aysan wax ka qaban karin awgeed uga baxay dalka iyo arrimo kale oo ay tahay in la tixgeliyo.

Waxa kale Eng. Kaanje oo uu si qeexan u sheegay in Dowladda KMG ay qadarinayaan heshiisyadii dawladii hore ee Soomaaliya la gashay shirkadii hore.

Eng. Kaanje oo u waramayey Idaacadda BB C, waxa uu sheegay in shirkadaha heshiisyada la galay Puntland ay yihiin shirkado yaryar, isagoo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri: “Waxani ma aha shirkado waaweyn, ee waa shirkado yaryar oo aan awood dhaqaale iyo mid farsamo (Technology) midna aan lahayn oo dullaaliin ah, man aaha dad leh awood ay ku maareeyaan ama ku soo saaraan batrool ama macdan, sidaas awgeed maadaama ay dillaaliin yihiin ayaa mowqif hore ay uga qaadatay Dowladda KMG.”

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee Dowladda KMG, Eng. Kaanje waxa uu si qeexan u sheegay in DKMG aysan masuul ka ahayn wixii shirkadahaas soo gaara haddii ay yimaadaan Soomaaliya, isagoo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri: “wixii dhibaato ah ee ka yimaada Dowladda KMG, looma raacanayo.”

Waxaa hadalkaas si kulul uga jawaabey Wasiirka Batroolka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Xasan Cusmaan Maxamuud (Xasan Aloore), oo waraysi siiyey Idaacadda BBC wuxuu  sheegay in uu khalad ahaa hadalkii Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Dowladda KMG, Eng. Kaanje ee ku aadanaa in khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya in uu hoos yimaado Dowladda KMG.

Mudane Aloore waxa uu sheegay in arrinta khayraadka dabiiciga ah ay Punland ku tallaabsatay Dawladda dhexe oo aan la dhisin ka hor iyo hadda oo ay Puntland samaysatay sharci batrool.

Isagoo markaas u jawaabayey Wasiirka Macdanta & Tamarta ee Dowladda KMG waxa uu yiri Wasiirku ,“waxaan jeclaan lahayn in uu hadaladiisa sida uu u dhigay uu ka bedelo, maxaa yeelay waxay wax yeelaynayaan xiriirka u dhexeeya DGPL iyo Dowladda KMG.”

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: