Â
Ciidamada gumeysiga
Halkaan ka akhri
Ciidamo aad u Hubaysan oo Ethiopian ah ayaa kusii Qulqulaya aagga xarunta gobolka shabeelada Hoose ee marka iyadoo gobolka shabeelada hoose xaruntiisa Marka aysan hore u joogin ciidamada Ethiopianka ahi lamana Oga sababta keentay waqtigan in ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ahi tagaan aaggaasi magaaladaasi.
Ciidamadan gumeysiga Ethiopianka ah ayaa la sheegay inay xalay ka baxeen magaalada Muqdisho iyagoo wata gawaarida gashaaman ee tikinikada loo yaqaano oo lagu qiyaasay sida ay soo werinayaan dad rayid ah oo kasoo kicitimay magaalada marka 11-tikniko ah oo isugu jira baabuurta Uralka qoryuhu saaran yihiin iyo kuwo Ciidanka qaada.
Sidoo kale Lamagaranayo sababta keentay inay xiligan Ciidamo Ethiopian ahi tagaan Meelo ka Tirsan gobolka shabeelada hoose iyadoo gobolkaasi uu kamid ahaa gobolada fara ku tiriska ah ee ka madax Banaan Ciidamada Ethiopia ee ku daadsan Qaar ka tirsan Gobolada dalka soomaaliya.
Tegitaanka ciidamada gumeysiga Ethiopia ay tegayaan aagga Xarunta Gobolka shabeelada Hoose ayaa kusoo beegmaya Xili ay ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ahi kusoo Qul qulayaan dalka soomaaliya iyadoo labadii malmood ee nasoo dhaafay ay soo gaareen magaalada muqdisho ciidamo aad u fara badan oo ksoo kicitimay dalka ee Ethiopia taasoo sii murginaysa xaalada amaan daro ee ka jirta koonfurta soomaaliya.
SomaliSwiss Marka
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.