Xubno ka mid ahaa maamulka degmada Waaberi oo Maanta si rasmi ah xilalkoodii isaga casiley, kadib markii uu cadaadis xoogan soo foodsaaray.

diyaarad-lasoo-riday1.jpg

Gobolka Banaadir

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta xilalkoodii iska casiley laba xubnood oo ka mid ah maamulka degmada Waaberi ee hoos taga maamulka Maxamed dheere ee Gobolka Banaadir, kadib shir Jaraa’id oo ay ku qanteen degmada Waaberi.

Maxamed Cusmaan Cali oo ahaa gudoomiye waaxeedka degmada October ee degmada Waaberi ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu isaga tegay xilkii uu ka hayey degmada Waaberi ee hoos taga maamulka Gobolka Banaadir ee uu madaxda ka yahey Maxamed dheere.

Shir jaraa’id oo maanta ay si wada jir ah ay ugu qabteen Maxamed Cusmaan Cali iyo xubin kale oo ka mid ah maamulka degmada Waaberi ayuu ku sheegay in uu xilkiisa iska casiley ka dib cabsi iyo handaad la soo gudboonaatey iyo waalidkii oo ku cadaadiyey in uu isaga tago shaqada uu ka hayo maamulka Gobolka Banaadir, waa sida uu ka sheegay shirkiisa jaraa’id.

Waxa sidoo kale iyana iska casishey xubintii ay uga jirtey gudiga tabeelaha koowaad ee degmada Waaberi Faadumo Xaaji Saciid, ka dib markii ay la soo gudboonaatey cabsi iyo wel wel iyo culeys uga yimid dhinaca waalidkeed, waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Shaley ayey aheyd markii 4 ka md ah maamulka degmada Waaberi ay isaga tageen shaqadii ay ka hayeen maamulka Gobolka Banaadir gaar ahaan kan degmada Waaberi ka dib shir jaraa’id oo ay shaley ku qabteen degmada Waaberi.

Kala taga joogtada ah ee la soo gudboonaatey maamulka Gobolka Banaadir iyo ciidanka Dowladda KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya ayaa dhabar jab weyn ku ah Dowladda KMG ah, arintaas oo keeni karta in bur bur baahsan uu ku yimaado Dowladda KMG ah ee la daala dhaceysa xasilinta magaalada Muqdisho iskaba daa gobolada kale ee wadanka in ay gaarto oo ay wax ka qabato.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: