Shirkii lixaad ee Jaaliyadaha Soomaalida degan Qaaradda Yurub oo lagu qabtay magaalada Oslo ee dalka Norway.

minsoto.jpg

Oslo Norway

Halkaan ka akhri

Waxaa si rasmi ah u furmay maalintii khamiista ahayd ee ku beegnayd 13-kii Rabicul-awal 1429 – 20/3/2008 Mu’tamar Diimeedkii Xagaaga ee ay isugu imaan jireen Soomaalida ku dhaqan dalalka Iskandaneviyanka kaas oo uu soo qaban qaabiyo Masjidka Tawfiiq ee ku yaala Magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway.

Mu’tamarkan ayaa cinwaankiisu waxaa uu ahaa (Daarta Aakhiro ayaa wanaagsan) kumana ekayn kasoo qayb galka Mu’tamarku Dawadaha Iskandanevianka oo qura balse waxaa ka soo qayb galay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan daafaha Qaaradda Yurub ayada oo ay ka qayb galayaasha qaarkood ka kala yimaadeen Germany, Holland, UK, Sweden, iyo Denmark.

Dadka soo xaadiray Mu’tamarkan ayaa buux dhaafiyay garoon loogu tala galay Kubadda cagta oo kor ka dadan kaas oo lagu ciyaaro xiliyada xagaaga oo uu barafku Da’ayo waxayna kor u dhaafayeen 2000 oo da’waliba leh isuguna jira Rag iyo Haweenba, wuxuuna Maamulka Masjidka Tawfiiq Dadaal weyn u galay Nidaaminta iyo fududaynta Hawlaha Mu’tamarkan diiniga ah ayaga oo shaqaaleeyay dhalinyaro ka kooban lab iyo dhadig kuwaas oo ugu qumay hawlaha Mutamarka si cajab galisay Dadkii goobta isugu yimid isla markaana ku camiray goobta Jawi Iimaan ku dheehan yahay taas oo farxad gelisay dhamaan kasoo qayb galayaasha.

Mu’tamarkan ayaa waxaa Duruus ka jeediyay culimo iyo ducaad aad caan uga ah Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Sh. Muxamed Cabdi Umal (imaamka iyo khadiibka Masjidka Abi-bakar Al-sidiq) ee ku yaala Nairobi, Sh. Muxamed Idris, Sh./Dr Axmed Dahir Aways Imaamka Masjidka London, Sh. Muxamed Dahir, Dr. Cali Muxamed Salax imamka Masjidka Tawfiq ee Oslo, iyo Daaciga Caanka ah ee Sh. Mustafa X.Ismacil Harun waxaa kale oo ka soo qayb galay isla markaana Khudbadii Jimacada ka akhriyay Sh. Jasim Mudawac oo ka mid ah Daaciyada Dalka Baxrayn.

Waxaa duruustiii shalay ka mid ahaa Muxaadaro uu soo jeediyay Sh. Muxamed Macalim Umal oo cinwaan keedu ahaa (Waajibaadka Lamaanka) iyo sidoo kale Muxaadaro uu soo jeediyay Sh. Muxamed Idris oo ku saabsanayd ( geeridii Nabiga SCW iyo Dardaaramadiisii) iyo sidoo kale Nadwo ay ka wada qayb qaateen Culimada intooda badan taas oo ku saabsanayd (Dawrka ay Haweenayda Muslimada ahi ku leedahay Barbaarinta Jiilka).

Mu’tamarkan ayaa soo gaba gaboobaya Barito oo Isniin ah wuxuuna soo bilawday Maalintii khamiista ahayd ayada oo Mu’tamarka laga diyaariyay Casharo aad u qiimo badan kuwas oo isugu jira Maqal iyo Muuqaal oo uu isku duba riday Studio-ga Masjidka Tawfiiq ee Oslo.

SomaliSwiss Oslo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: