Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Daahir Riyale Kaahin, oo soo saaray wareegtooyin uu ku magacaabay 16 Degmo iyo 6 Gobol oo cusub.

Daahir Riyaale

Daahir Riyaale

Halkaan ka akhri

riyaaleMaarso 22, 2008: Hargeysa: Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Daahir Riyale Kaahin, ayaa [22/3/2008] soo saaray wareegtooyin uu ku magacaabay 16 Degmo iyo 6 Gobol oo cusub, kuwaas oo kala ah:

Gobolada Cusub iyo magaalo Madaxdooda:

  1. Gobolka Gabiley oo magaalo madax ay u noqonayso GABILEY
  2. Gobolka Badhan oo magaalo madax u noqonasyo BADHAN
  3. Gobolka Buuhoodle, oo Magaalo madax u noqonasyo BUUHOODLE
  4. Gobolka Salal, oo magaalo madax u noqonayso SAYLAC
  5. Gobolka SARAAR oo magaalo madax u noqonayso CAYNABO
  6. Gobolka Oodweyne oo Magaalo Madax u noqonaysa Oodweyne

Degmooyinka Cusub iyo Gobolada ay ka tirsanaan doonaan:

  1. Degmada WAJAALE, Gobolka GABILEY
  2. Demgada WIDH-WIDH, Goblka Buuhoodle
  3. Degmada QORULUGAD, Gobolka Buuhoodle
  4. Degmada GO�DA WEYN, Gobolka Saaxil
  5. Degmada HARASHEEKH, Gobolka Oodweyne
  6. Degmada RAYDAB KHAATUMO, Gobolka Oodweyne
  7. Degmada GARBA DADAR, Gobolka SALAL
  8. Degmada BOON, Gobolka SALAL
  9. Degmada XARIIRAD, Gobolka SALAL
  10. Degmada LAASCIIDLE, Gobolka Saaxil
  11. Degmada WAR-IDAAD, Gobolka SARAAR
  12. Degmada CEELAL, Gobolka SARAAR
  13. Degmada WAR-CIMRAAN, Gobolka Togdheer
  14. Degmada MAGAALO CAD, Gobolka Awdal
  15. Degmada KAL-BAYDH, Gobolka Sool
  16. Degmada XAAJI-SAALAX, Gobolka Oodweyne

Daahir Riyaale waxa uu markii hore maalinnadii (22/3/2008) soo magacaabay 14 degmo, laakiin isla fiidkii ayuu kusoo daray labada degmo oo kale oo kala ah Degmada KAL-BAYDH oo kamid noqoneysa Gobolka Sool [una dhow Laascaanood] iyo Degmada XAAJI-SAALAX oo ka mid noqonaysa Gobolka Cusub ee Oodweyne [markii horese ka tirsanayd Gobolka Sool].

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: