Gudoomiyaha Gudiga haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Baarlamaanka Soomaaliya oo eedeeyn u soo jeedisay Ganacsatada.

Baarlamaanka Somalia 

Golaha Barlamaanka

Halkaan ka akhri

Qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Ganacsatada Somalied in ay ka danbeeyaan Sare u kaca Maciishada Qutul Daruuriga ee Dalka Somalia.

Balse qaar kale  badan oo ka mida Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa haddana qaba in sicir bararkaas uu ka yimaaday lacagaha aan sharciyeysnayn ee lagu daabacaya Gobollada Puntland, Ganacsatada oo ka cabsatay burcad badeedka afduubanaya Maraakiibta  iyo dagaallada aan aan dhammaadka lahayn ee ka socda magaalada Muqdisho.

Hase ahaatee Xildhibaanad Xaawo Cabdullaahi Qayaad oo Gudoomiye ka ah gudiga haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Baarlamaanka oo Saxaafada la hadleeysay ayaa tilmaantay dhibaatooyinka lagu hayo shacabka Somalied.

Dad ayaa makiinado u keensaday waxaana ay ku qaaliyeeyeen Badarkii,qaar kalena Xabado ayeey shacabka u heeystaan” ayeey Tiri Xildhibaanada Xaawo Qayaad.

Xildhibaanad Caasha ayaa waxay ku tilmaantay waxyaabaha ugu waaweeyn ee ka danbeeyay Sicir bararka inay ka mid yihiin dhoofinta Dalaga ka soo baxa dalka, waxaana ay Ra’isul Wasaare Nuur Cadde ugu Baaqday inuu wax ka qabto dadka Dhoofiya Qeeyraadka ka soo baxa dalka Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee hadalka ka soo yeeray qaar ka mida mudanayaasha Baarlamaanka ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili ay sii kor dheeyso dhibaatooyinka ay dadka ku qabaan qiimi koroka ku imaanaya maciishada Qutul Daruuriga.

Ma’ahan markii ugu horeeysay ee Mudanayaasha Baarlamaanka ay ka hadlaan sicir bararka ka taagan Gobolada Dalka Somalia ee sida weeyna u saameeyay shacabka Somalied gaar ahaan dadka danyarta ah ee ku nool xeryaha Qoxootiga isla markaana ka bara kacay Dagaalada Muqdisho.

Uga dambeyntii waxaa dhawaantan ay qaar ka tirsan xubnaha Baarlamaanka Soomaalya ay xukuumada Nuur Cadde  ku eedeeyeen In aysan marnaba ka hadli abaaraha iyo Weliba sicir bararka ka jira dalka.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: