Dr. Cabdi Qaasim Salad Xasan oo ka hadlay arimaha Shidaal qodista gobolka Puntland iyo Argagixisada dadka uu u yaqaan.

C/Qaasim

Dr. C/Qaasim

Halkaan ka akhri

Madaxweeynihii hore ee Dalka Somalia Dr. Cabdi qaasi Salaad Xasan ayaa ka hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin shidaalka, Argagixisada iyo xiriirkii u dhexeeyay dowladii hore ee Somalia iyo mareykanka.

Dr. Cabdi qaasi Salaad Xasan ayaa ka jawaabay mar la weeydiiyay Su’aal aheeyd in gobolada Qaar ay xasiloon yihiin qaar ka mida gobolada kale ee dalka ay ka jiraan qul-qulatooyin dagaal iyo arimaha batroolka Sida uu u arko ayaa waxaa uu ku jawaabay in wax waliba ay ku yimaadaan amarka Eebbe isla markaana waxaa uu rabbi ka baryay kuwa xasiloon in uu nabada u sii daayo kuwa dhibaatada ay ka jirtana uu nabad u soo dejiyo.

Sidoo kale mar uu ka jawaabayay arimaha Qodista shidaalka ee Gobolada Dalka Qaar ayaa waxaa uu sheegay in arimahasi ay yihiin Howl qaran balse aysan aheyn mid u taal Gobol oo kaliya kuwa ku howlan ay yihiin kuwa keenay dhibaatada Sicir bararka ka jira dalka Somalia.

Sidoo kale mar wax laga weeydiyay cida uu u yaqaan Argagixisada ayaa sheegay in argagixisada uu isag u yaqaan Ciidamada gumeysiga Ethiopia ee dalka sida xooga ah ku soo galay iyo Dowlada Mareeykanka ee dalka ku garaacaya diyaaradaha rida Qunbuladaha waaweeyn.

Hadalka Madaxweeynihii hore ee Somalia Dr. Cabdi Qaasim Salad Xasan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili Baarlamaanka maamul Goboleedka Puntaland uu ku howlan yahay ansixinta qodobka Shidaal barista ee goboladaasi iyo weliba xili weli dhibaatooyin ay ka wadaan dalka Ciidamada gumeysiga Ethiopia.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: