Sheekh C/Raxiim Cali Muudey oo rajo ka muujiyay in dalka ay dib ugu soo laaban doonta gacanta Midowgii Maxaakimta Islaamka.

Shekh Ibr. Suuley & Sheikh Mudey

Bidaxda Sh. Suley * Midig Sh. Muudey

Halkaan ka akhri 

Sheekh C/Raxiim Cali Muudey  oo ah Afhayeenkii hore ee Midowga Maxaakimta Islaamka Somaliyeed  ayaa Saakay sheegay in ay rajo aad u wanaagsan ka qabaan mar kale in ay xukunka dalka qabsadaan, waayo ayuu yiri “bulshada Somaliyeed ilaabi kareyn 6-dii bilood ee maamulkii Maxaakimta dalka hayay“. 

 Hase ahaatee Afhayeenkaasi oo u hadlayay warbaahinta ayaa ku nuux nuuxsaday in ay kalsoon weyn haatan qabaan isla markaana ay dareemayaan shacabka oo idil in uu ku garab taagan yahay dagaalka ka dhan ah ”cadowga”soo duulay iyo kuwa taageeraya. 

Skheikh Muudey ayaa intaas ku daray ee uu yiri.”Somalidu waxa ay dhibaatada ka bixi kareysaa marka dalka uu xor noqdo isla markaana ay wada hadlaan siyaasiyiinta iyo shacabka Somaliyeed dhamaantood taasi oo aan is leenahay waxa ay soo dadajin doontaa xal waara”.  

Si kasta ha ahaatee waxaa markhati ma doonta ah in Golaha Maxaakimta Islaamka Somaliyeed ay dalka nabad aan horey  loo arag ka dhalisay mudo 6 bilood ah oo dalka ay ka talinayeen iyagoo nabadeeyay magaalada Muqdisho oo 35 dawladod ay nabadeyn waayeen.

Somali Swiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: