Ciidamo loo sameeyey Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa uga weyn ee Geeska Afrika, isla maantana shaqo ka bilaabeen gudaha Suuqaas.

Mogadisho

Suuqa Bakaaraha

Halkaan ka akhri

Ciidamada loo sameeyay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa maanta markii ugu horeysay shaqo ka bilaabay gudaha suuqa Bakaaraha, si ay u sugaan amaanka.

Ciidamadaan oo loo sameeyay dhar  u gaara ayaa saaka lagu arkay qeybo ka mid suuqa iyagoo ilaala kaga jira, islamrkaana qeyb ka ah nabadanta Suuqa oo mudooyinkaan u muuqday goob milatari.

Ganacsatada suuqa ayaa mudooyinkaan ku mashquul sanayd samaynta ciidamo iyagu u gaara, islamarkaana ka madaxbanaan Dowlada Fadaraalka iyo xoogga ladagaalama.

Si kastaba ha’ahaatee dadka suuqa oo soo dukaamaysitaga iyo Ganacsatada ayaa si weyn u soo dhaweeyay Ciidamada loo sameeyay Suuqa oo amaankiisa laga dayrinayay waayadan.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: