Afhayeenka Golaha Dhaqanka Hawiye oo eedayntii ugu kululayd u soo jeediyay dowladda Maraykanka.

Axmed Diiriye

Axmed Diiriye

Halkaan ka akhri

Axmed Diiriye Cali oo ah Afahayeenka Kowaad ee Golaha Dhaqanka Hawiye ayaa maanta isagoo u waramayay qaar ka mid ah Idaacadaha magaalada Muqdisho uu eedayntii ugu kululayd u soo jeeday dowlada Maraykanka oo uu ku tilmaamay in ay u soo tafa xaydatay sii dhameystirka shacabka Soomaaliyeed ee ay xasuuqeen ciidamada gumeysiga Itoobiya.

Sidoo kale Afhayeenku wuxuu ku tilmaamay duqeyntii ay dhawaan Diyaaradaha Maraykanka ka geysteen Soomaaliya mid daboolka ka qaadaysa Ujeedooyinka la xiriira aargoosi ee dhacay Sannadkii 1993 oo qaarka mid ah ciidamakiiso lagu dilay Soomaaliya wadooyinka Muqdisho lagu jiid jiiday, taaso uu u soo kiraystay 15 sano ka dib Ciidamada Ethiopia.

Mudane Axmed Diiriye ayaa wuxuu caalamka ugu baaqay in ay la arkaan dhibaatada arxan darada ah ee uu maraykanku si aan kala joogsi lahayn uga wado gudaha wadanka Soomaaliya.

Balse hadalka afahayeenka ayaa ku soo beegmaya iyada oo uu horey u sheegay madaxweynihii hore ee dowlada carta in dowlada maraykana ay wado aargoosi isla markaana u adeegsanaysa arintaasi ciidamada gumeysiga Itoobiya ee iyagu xoogag iyo sharci darada ku jooga wadanka Soomaaliya.

Hase yeeshee Beesha caalamka ayaa indhaha ka qabsaday xaaladda ka jiradalka Soomaaliya, gaar ahaan duqeyntii ay diyaaradaha maraykanku ka geysteen magaalada dhoobleey ee gobolka jubadda dhexe ee koonfurta Soomaaliya halkaasi oo ay ku laayeen xoolo iyo waliba dad reer miyi ah qaarkood.

 SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: