Xoogagga Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo ka qabsaday Maleeshiyada Dowladda, gaadiid iyo hub kala duwan.

ciidamada-isbahaysiga.jpg

Mujaahidiinta

Halkaan ka akhri

 Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa in dagaalladii ka dhacay magaalada Muqdisho Toddobaankan ay ku gacan sarreeyeen, taasi oo micnaheeda yahay in xoogagga Mujaahidiinta ay yihiin dad ka Xeelad badan, kuna dagaallamaya wadada Xaqa ah.

Mujaahidiinta waxaa gacanta u soo galay gaadiid iyo hubka badan oo noocyadiisa kala duwan oo ay ka qaniimaysteen Ciidamada huwanta, hase yeeshee waxay saaka gacanta ku dhigeen gaari cabdi bille ah oo ka soo goostay Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Sarkaal sare oo isagu gacanta ku haya gaarigaas ayaa sheegay in gaari Cabdi Bille ah oo uu ku rakibanyahay Qoriga Dhashiikaha kana soo goostay Madaxtooyada Villa Soomaaliya uu gacantooda u soo galay.

Warku wuxuu  intaa ku darayaa in gaarigaas ay la socdaan 5 Askari oo uu ku jiro darawalkii gaariga isla markaana ay aad u soo dhaweeyeen abaal marin qaali ahna ay gudoonsiiyeen.

Balse waxaa lagu soo warramay in ragga baabuurka soo gacan galiyay ay ku hubaysnaayeen Hal PKM iyo 3 AK47 isla markaana ay baabuurka saaranyihiin rasaasta qoriga dhashiikaha ah ee ku rakiban baabuurka.

Hase ahaatee Gaarigan ayaa ka mid ahaa kuwa ilaalada ka ahaa Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxa uu ka mid noqonayaa 3 gawaari dagaal oo ay shalay Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed kula wareegeen dagaalkii ka dhacay jidka wadnaha ee magaalada Muqdisho.

Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa iyagu ah kuwo ay maalinba maalinta ka dambeysa isu soo dhiibayaan gawaari dagaal,iyo askar ka tirsna kuwa DFKMG ah oo hubkooda wadata.

Arintan ayaa dhabar jab ku noqonaysa Dowladda KMG ah, gaar ahaan illaalada Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ah halka ugu sareysa ee looga arimiyo Siyaasadda kuwa la shaqeeya gumeysiga Ethiopiyaanka.

SomaliSwiss Muqdisho

 SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: