Sarkaal ka tirsan dowladda KMG ah, oo lagu magacaabo Macalin Cusmaan oo maanta kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada Muqdisho.

xasuuqa shacabka

Degmada Waaberi

Halkaan ka akhri

Salaadii Jimcada ka dib waxaa degmada waaberi dil toogasho ah loogu geystey xoghayaha laanta horseed ee degmada Waaberi, sida ay ku warameen dad goob joogayaal ah.

Xoghayaha laanta horseed ee degmada Waaberi ee maanta lagu diley degmadaasi ayaa lagu magacaabi jirey Macalin Cusmaan, waxaana dilkiisa geystay rag ku hubeysnaa bastoolado, waa sida ay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho u sheegeen dadka deegaanku.

Sidoo kale lama garano cida dilkiisa ka danbeysay iyo waliba sababta dhabta ee ka danbeysa dilkiia, waxaase maalmihii ugu danbeeyay ka dhacey magaalada Muqdisho dilil lala beegsanayey qaar ka mid ah madaxda maamulka gobolka Banaadir.

Sida caadada ah ma jirin wax ciidan oo ka socda Dowladda KMG ah oo soo gaarey halka uu ka dhacey dilka maanta loo geystay xoghaya laanta horseed ee degmada Waaberi Macalin Cusmaan.

Kala tag baahsan ayaa la soo gudboonaatey maamulka gobolka Banaadir ee madaxda uu ka yahey Maxamed Dheere isbuucyadan, arintaas oo keeneysa bur bur baahsan oo ku yimaada maamulka Gobolka Banaadir u qaabilsan DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: