Isbaheysiga Dib-U-Xoraynta Soomaaliya oo sameystay Idaacad cusub oo loogu magac daray Radio Xoriyo.

Isbaheysiga

Isbaheysiga

Halkaan ka akhri

Asmara: Ururka Isbaheysaga Dib-U-Xoraynta Soomaalia ee fadhigoodu yahay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa maalinnimadii Shalay shaaca ka qaaday in ay samaysanayaan Idaacad cusub oo ku hadli doonta Magaca Isbaheysiga.

Idaacadan ayaa maanta lafilayaa inay hawada soo gasho, sidaas waxaa Saxaafada u sheegay Saleemaan Colaad Rooble oo ah Mas’uul ka tirsan Isbaheysiga Dib-U-Xoreynta ee u qaabilsan dhinaca warfaafinta, isagoona sheegay inay Idaacadaas ka qayb qaadan doonto waxqabadka Isbaheysiga.

Saleemaan Colaad Rooble ayaa waxaa uu sheegay in ay Idaacadu si toos ah hawada u soo galidoonto 21-bishan march ee aynu ku jirno taas oo ku aaday Maanta, Idaacada ayaa waxaa ay sheegeen in ay ugu magacdareen ama lagu magacaabi doono Radio Xoriyo.

Idaacadan ayaa waxaa ay sheegeen in ay hawada soo gali doonto Maalmaha kala ah Talaadada iyo Jimcaha ayadoona sii dayndoonta Barnaamijyo ka hadli doono sidii looga Xoreyn lahaa dalka Somalia cadowga haysta.

Si kastaba ha ahaatee Idaacadaan ayaa la sugayaa inay hawada soo gasho maanta oo ah 21 March oo ay sheegeen in laga dhagaysan doono Mowjadaha gaagaaban ee kala ah 41 mitirbaan iyo Hirka 7175 Kilo-Hertz.

SomaliSwiss Asmara

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: