Diyaarad ay leeyhiin Ciidamada AMISOM oo caawa fiidkii Maydad Ehiopian ah ka qaaday garoonka Aadan Cade ee Muqdisho.

Aadan Ade Airport

Halkaan ka akhri

Caawa fiidkii ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa ka soo dagtay diyaarad Milatari oo ay leeyihiin ciidamada Amisom ee ka howlgala Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Diyaaradan ayaa lasheegay in ay qaaday mayad gaaraya in kabadan 25 Mayd ka mid ah Milatariga gumeysiga Ethiopia oo ku nafwaayay laba qarax oo saacadihii la soo dhaafay loogu gaystay magaalada Muqdisho iyo daafaha magaalada sida deegaanka Lafoole.

Meydadkan ayaa lasheegay in ay intooda badan ku dhinteen laba gaari kuwa loo yaqaan URAL-ka oo qaraxya lagula beegsaday magaalada Muqdisho iyo sidoo kale gaari kale oo isna lagula beegsaday deegaanka Lafoole.

Qaraxyadan ayaa lasheegayaa in uu qasaara xoogan u gaystay ciidamada Milatariga gumeysiga Ethiopia oo maydadkii ugu badnaa ama qasaarihii ugu weynaa uu kasoo gaaray.

Markii la qaadayay maydadkan ayaa waxaa la xiray dhamaan wadooyinka soo gala garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan kan ka yimaada wadada Makka Al-Mukarrama iyo KM4 gaar ahaan inta u dhaxayso Tarabuunka iyo wadada KM4.

Maaha markii ugu horeysay ee ciidamada gumeysiga Ethiopia weerarro xoogan lagu qaado ama gawaarida dagaalka looga gubo, balse maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa si aad ah isu soo taraya weerarrada joogtada ah, iyadoo meela badan oo Xerooyin ahna looga qabsaday iyo Hub intaba.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: