Ahmedou Ould-Abdallah” ayaa ugu baaqay golaha amaanka in laqaado tilaabo lagu joojinayo dhibaatada ka jirta Soomaaliya.

Ahmedou-Ould

Ahmadou Ould

Halkaan ka akhri

DSC01288  Wakiilka gaarka ah ee Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaliya Ahmadu Wuld abdalla ayaa ka Sheegay Golaha Amaanka fadhigiisii shalay isla hadalkii Dr, Abdi Qaasim uu Shalay sheegay ee ahaa in uu Mareykanku ka aarsanayo Somaliya waxii dhacay 1993.

Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah” ayaa ugu baaqay golaha amaanka in laqaado tilaabo lagu joojinayo dhibaatada ka jirta Soomaaliya.

Ahmedou Ould-Abdallah, oo shalay ka hadlayay golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa daboolka ka qaaday in beesha caalamku mas’uuliyadi ka saarantahay dalka Soomaaliya, loona baahan yahay in tilaabo wax ku ool ah.

Soomaalidu waxay bixineysaa wali waxii dhacay sagaashameeydii welina lagama cafin .

Sidaas waxaa yiri “Ahmedou Ould-Abdallah” wuxuuna ula jeeday markii ciidamada qaramada midoobay dagaalo ay la galeen maleeshiyaad Soomaali ah halkaasoo lagu dilay askar qaramada midoobay ay leedahay.

Sanadkii 1992 dii ayay qaramada midoobay u soo dirtay Soomaliya Ciidamo uu horkacayay Mareykanku, halkaasoo markii danbe ay isga baxen 1995 tii ka dib markii qaar ka tirsan ciidamadii Mareykanka ahaa lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA RIIX HALKAAN 

SomaliSwiss Bern

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: