Afhayeenka Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed oo sheegay in ay soo dhaweynayaan Maleeshiyaadka isku soo dhiibay xoogagga Muqaawamada.

suuleey_1.jpg

Sh. Ibr. Suuley

Halkaan ka akhri

Afhayeenka Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya Sheikh Maxamuud Sheikh Ibraahim Suuleey ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Maleeshiyaad ka tirsan Dowladda KMG ah iyo gaadiid dagaal oo ay wateen oo maanta soo goostay, kuwaas oo isku dhiibay Xoogagga Mujaahidiinta kasoo horjeeda gumeysiga Ethiopia.

Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay Sheikh Maxamuud Ibraahim Suuley Shir jaraa’id uu maanta u qabtay qaar kamid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa waxa uu ugu baaqay ciidamada Ugandha in ay ka dayaan barakicinta ay ku haayaan shacabka Soomaaliyeed.

Sheikh Maxamuud Ibraahim Suuley ayaa sidoo kale ugu baaqay Maleeshiyaadka Dowladda KMG ah in ay ku daysadaan kuwa kale ee maanta isku soo dhiibay Xoogagga Muqaawamada ka soo horjeeda gumeysiga Ethiopia iyo daba dhilifkooda.

Maleeshiyadan isa soo dhiibtay ayaa wadatay mid ka mid ah Baabuurta dagaalka, Sheekha ayaa waxaa uu sheegay hadii ay Maleeshaadka kale dhaga adeygaan ee ay usii shaqeeyaan Dowadda KMG ah ee daba dhilifka u ah gumeysiga Ethiopia ay leyn doonaan Xoogagga Muqaawamada Soomaaliyeed iyo Shacabkooda.

Hadalka Afhayeenka Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed Sheikh Maxamuud Ibraahim Suuley ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili dagaal laysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay Isgoysyada Aadan Cadde iyo Howl-Wadaag oo Maleeshiyada Dowladda KMG ah looga qabsaday laba gawaari oo kuwa dagaalka ah oo midkood uu ku xiran yahay Qoriga loo yaqaan B10 biitemka.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa kasoconaya dagaallo aad u xoogan kuwaas oo gawaari dagaal looga qabsaday Maleeshiyaadka Dowladda iyo sidoo kale ciidamada Gumeysiga Ethiopia Xerooyin ay ku jireen xoog looga saaray.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: