Shaqaalaha Tareenada Xamuulka qaada oo sameeyey bannaanbax ay ku diidan yihiin shaqo ka saarida qaar iyaga ka mid ah.

bannaanbax-shtareenada.jpg

Bannaanbax

Halkaan ka akhri

Dad gaaraya ilaa 5.000-6.000 qof oo ka tirsan Shaqaalaha Tareennaga Xamuulka ah ee isaga goosha gudaha iyo dibadda dalkan Switzerland ayaa waxay shalay bannaanbax ka Sameeyeen magaalada Madaxda dalkan Swiss-ks ee Berna. 

Ururrada Shaqaalaha Tareennada Swiss-ka ayaa soo abaabulay bannaanbaxan ka dib markii  dowladda Federaalka Swiss-ka iyo Shirkadda Tareennada ay isku af garteen in la dhimo shaqaalaha Tareennada xamuulka qaada. 

Bannaan-baxayaasha oo isugu yimid bahnhofka weyn ee magaalada Berna ayaa ku dhawaaqayey “ Gacanta hoos uga dhiga shaqaalaha Xamuulka”, waxaana ka muuqday bannaanbaxayaasha caro aan la soo koobi karin. 

Inkastoo cimilada ama hawada ay aad u qaboobeed, haddana si fiican ayey codkoodu u gaarsiyeen Siyaasiyiinta Swiss-ka. 

Waxaa isla markiiba ay qasab ku noqotay in Wasiirka Gaadiidka Mudane Moritz Leuenberger isugu yeero shir degdeg ah howlwadeenada Shirkadda iyo hoggaanka Ururka shaqaalaha.

Waxaa si ka wiji ka wiji ah loogu dooday sidii loo hakin lahaa bannaanbaxa, loona xallin lahaa dhibaatada jirta.  Si kasta xaaladdu ha ahaatee waxaa shirkadda loo xil saaray inay qoorshaheeda dib u eegto, fiirisana wado kale ee xal lagu gaari karo. 

Sidoo kale shaqaalihii banbaxayey ayaa waxay muujiyeen geesinnimo dheeraad ah,waxayna kasbadeen soo dhaweyn iyo kalsoonida bulshada ku nool Kantoonada dalkan Switzerland. 

SomaliSwiss Zürich 

Xigasho Swissinfo 

Tarjume Dhicisow 

SomaliSwiss@htmail.com

%d bloggers like this: