Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed oo Baaq ka soo saartay Dagaalladii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

JIS

Jabhadda Islaamiga

Halkaan ka akhri

 Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed oo ka mid ah garabyada Mujaahidiinta ee ka dagaalama gudaha dalka soomaaliya ayaa bayaan ka soo saartay dagaalkii maanta waxaana uu u qornaa Sidatan:-

Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed waxay cadaynaysaa in dagaalkii maanta ka dhacay wadada Wadnaha gaar ahaan Isgoysyada Hawlwadaag, Aadan Cadde iyo Xariiryaale ee magaalad Muqdisho uu ahaa mid ay si midaysan uga wada qaybgaleen garabyada Mujaaahidiinta Soomaaliyeed ee dagaalka Jihaadka ah kula jira gumaysiga Itoobiya iyo dabo dhilifkooda.

Dagaalkan oo aan ahayn mid qorshaysan kuna bilawday si kadis ah ayaa waxaa uu yimid kadib markii maleeshiyaadka dabadhilifka u ah cadawga Itoobiya ay saaka kula jarmaadeen bililiqo qaarka mid ah Bakhaarada ku teedsan wadada 1-aad ee Suuqa Bakaaraha ayna leeyihiin dad shacab ah, arrintaas oo ay ka warheleen Mujaahidiintu waxay ku abuurtay in ay lagama maarmaan tahay in loo gurmado lana badbaadiyo hantida dadka shacaka ah ee la boobayo.

Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed oo ka mid ahayd garabyadii maanta dagaalkaas ka qayb galay ayaa dhankeeda gaarsiisay cadawga khasaarooyin isugu jira Naf iyo maalba, waxayna ilaahay fadligiis gacanta u soo galay gaari nooca lankuruusar ah oo uu ku rakibanyahay qoriga B10, tiro qoryaha fudud ah iyo rasaas isugu jirta hubka culus iyo tan fudud.

Baaq:

Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed waxay ugu baaqaysa dhamaan garabyada Mujaahidiinta iyo shacabka Soomaaliyeed:

1. In ay si midaysan ula dagaalamaan cadawga isasoo bahaystay kuna soo duulay Diinta, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

2. In ay Mujaahidiintu sameeyaan iskaashi dhinac walba ah si ay uga guulaystaan cadawga dalka ku soo duulay.

3. Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa inay sii laba jibaaraaan Hiilka iyo Hooga ay la garabtaagan yihiin walaalahooda Mujaahidiinta ah ee u taagan difaaca Diinta Dalka iyo dadka Soomaaliyeed Jabhaduna waxay sigaar ah ugu mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadaba ee la garab taagan taageerada joogtada ah.

4. Sidoo kale JIS waxay ugu baaqaysaa Shacabka Soomaaliyeed inay u dhabar adaygaan dhibaatooyinka isugu jira Xasuuqa, Boobka iyo cunaqabataynta dhinac walba leh ee uga imaanaysa dhinaca gumaysiga.

Gabagabadii JIS waxay wacad ku maraysaa in ay sii joogtayn doonto dagaalka Jihaadka ah ee ay kula jirto Gumaysiga Itoobiya iyo huwantiisa ku garabsiinaysa haysashada dalka Soomaaliya tan iyo inta uu ka xoroobayo dhamaan gayiga Soomaaliya laguna dhaqayo Shareecada Islaamka si loo helo Sinaan iyo Cadaalad.

Wabillahi Towfiiq

Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed (JIS)
Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka Guud

23 rabicul awal 1429 – 20 Mach 2008

Muqdisho Soomaaliya
 

SomaaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: