Golaha dhaqanka & Midnimada Hawiye oo gaashanka u daruuray in Ururka Al-Shabaab yahay Urur Argagixiso.

Odayaasha Hawiye

Axmed Diiriye

Halkaan ka akhri

Golaha dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye ayaa gaashanka u daruuray in Ururka Mujaahidiinta xaq u dirirka ah ee Al-Shabaab uu yahay Urur Argagixiso.

Golaha Dhaqanka iyo Midinimada Beelaha Hawiye ayaa si kulul u cambaareeyay warkii kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka oo ay liiska Argagaxisada waxa loogu yeero kudaray Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kawado Soomaaliya.

Afhayeenka Golaha dhaqanka iyo Midinimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa kutilmaamay Go’aanka Maraykanka mid gardara ah oo loogu xaglinayo Ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo dowladda KMG.

Axmed Diiriye ayaa shaaciyay in aanay Munaasib ahayn in xoogaga wax iska caabinta Sharciga ah lagu tiimbareeyo Dembiilayaal ayuu yiri, isagoo intaa ku daray “waa Been Argagaxiso ma ahan Madaxda wax iska cabaibinta, Argagaxisada dhabta ah waa kuwa Gowracaya Haweenka iyo carruurta oo Bililiqada kawado Suuqyada magaalada Muqdisho” ayuu yiri Axmed Diiriye.

Golaha dhaqanka Beelaha Hawiye waxay ugu baaqeen Beesha Calaamka in cadaalad darada ay ka daayaan Soomaaliya islamarkaana ay joojiyaan dembi uyeelidda dadka u dagaalamaya Xoriyada dalkooda Soomaaliya “Al Shabaab ma weerarto wadamada deriska ah mana maqlin dagaal ay Al-Shabaab kawado meel kabaxsan Soomaaliya, kuwa kumanaanka KM kasoo duulay maa Argagaxiso loogu yeero” ayuu Axmed Diiriye.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: