Suuqa Bakaaraha
Halkaan ka akhri
Dagaal aad u qaraar ayaa waxa uu ka socdaa Isgoyska Howlwadaag ee Magaladda Muqdisho Dagaalkaan ayaa waxa uu dhaxeyaa Maleeshiyadda Dowladda KMG ee lashaqeeya gumeysiga iyo Kooxaha ka soo horjeedo.
Maleeshiyadda Dowladda KMG ee fadhigoodu yahay Isgoyska Howl-Wadaag ayaa waxa ay dhac ugeysteen Baqaar Saliideed oo ku yaala agagaarka Shirkadda AMAL Bank islamarkaana sababay dagaal aad u culus.
Abaarihii 09:00 Subaxnimo ayuu dagaalkaan bilaawday ilaahatanna uu socdaa dagaalkaan ayaa waxa la isku adeegsanayaa Hub aad u culus isla markaana la arkaayay Hubka waa wayne oo ku soo dhacaayay gudaha Suuqa Bakaaraha.
Qasaaraha ilaa haatan la hubo ayaa Sheegaya 5 kamid ah Maleeshiyada Dowladda KMG in la arkaayay ayagoo yaala goobta Dagaalka lakiin aan la cadeen karin in ay yihiin kuwa Dhaawac ah ama Dhimasho ah .
Dhinaca kale waxaa islamarkiiba istaagay Howlihii ganacsiga ee Suuqa weyn ee Bakaaraha islamrkaana ay dadkii bilaabeen in ay isaga baxaan gudaha Suuqa.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.