Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo Golaha amaanka Hor dhigay Warbixin ku saabsan Dalka Soomaaliya.

ban-ki-moon4.jpg

Xoghayaha Guud QM

Halkaan ka akhri

 Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban ki Moon ayaa u Gudbiyay  Golaha amaanka ee qaramada midoobay warbixin ay soo diyaariyeen guddi gaar ah oo xaqiiqo raadin ah oo dhawaan yimid Dalka Soomaaliya. 
Xoghayaha Guud ayaa dhawaan laga dalbaday inuu Golaha amaanka horgeeyo xaalada ka siidaraysa ee ka jirta Dalka Soomaaliya, islamarkaana ay uga qeyb qaataan geedi socotka Nabada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale horay Soomaaliya loogu diray Guddi qiimayn ku sameeyay qaabka ugu haboon ee dalka Soomaaliya loo geyn karo ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo badelaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM ee hadda ku sugan Caasimada. 

Hase ahaatee Ban Ki-Moon, ayaa shaaciyay  in Qarammada Midoobay ay damacsan tahay inay 28-kun oo askar caalami ah lageeyo gudaha Somalia si ay nabadda u sugaan, islamarkaana meesha ka saaraan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa.  

Xoghayaha Guud wuxuu sheegay in loo baahan yahay in 2800- oo askari oo caali ah si deg deg  ah loo geeyo Soomaaliya, islamarkaana ka shaqeeya nabadda isagoona xusay in Ciidanka AMISOM ee nabad ilaalinta la kordhin doono si ay u sii xoojiyaan howlaha nabad ilaalinta Soomaaliaya.

SomaliSwiss New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: