Maraykanka oo faragelin ku hayo Siyaasadda Jahawareersan ee Somalia, shaaciyayna in liiska Argagixisada lagu daray Mujaahidiinta Al-Shabaab.

condoleezza-rice4.jpg

Condoleezza Rice

Halkaan ka akhri

Warka ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha arrimaha dibedda ayaa waxaa lagu sheegay in Mujaahidiinta Al shabaab ee waddanka Soomaaliya lagu daray liiska Ururrada argagaxisada caalamka.

Dowlada Maraykanka oo horeyba si weyn fara galin ugu hayey wadanka Soomaaliya ayaa haddan waxaa shalay qoraal ay soo saartay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Condoleezza Rice, lagu xusay in lagu xaaraantimeeyay in wax taageero ah oo nooc kastaba aan la siin karin Mujaahidiinta Al-Shabaab wadanka Maraykanka isla markaana la xayirayo wax kasta oo hanti ama danno ah ee Mujaahidiintaasi ay ku yeelan karaan waddanka Mareykanka.

Qoraalka Condoleezza Rice ayaa lagu sheegay in sababta ay tallaabadani u qaaday ay ka mid tahay dagaalka lagula jiro waxa ay ku tilmaantay argagaxisada caalamiga ah loogana dan leeyahay inay ka waantoobaan falalka ay ku kacaan.

Hase yeeshee warsaxaafadeed ay soo saartay  Wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in Mujaahidiinta Al-shabaab ay cabsi geliyaan isla markaana ay abuuraan dhibaato lagu wiiqayo waxa ay ku tilmaantay dowladda Soomaaliya, iyadoo u hanjaba ayey tiri Condoleezza.

warsaxaafadeedkan ayaa lagu tilmaamay in Al-shabaab ay yihiin koox xag jirta oo qalafsan, in badan oo xubnaheeda ka tirsana lala xiriiriyo Urur Weynaha Al-qaacida iyo xubno badan oo ka mid ah hogaamiyeyaasha Al-shabaab in la rumeysan yahay inay ku soo tababarteen wadanka Afghanistan, iyagoo la safan Al-qaacida.

“Kooxdu waxa ay waraaqo ku daadiyeen magaalada Muqdisho oo ay uga digayeen sanadkii hore dadkii ka qeybgalay shirkii dib u heshiisiinta, waraaqahaasi oo ay ku sheegeen inay qarxinayaan goobta shirka,iyo gaadiidka ergada” ayaa lagu yiri qoraalka.

warbixinta Haweynayda Condoleezza Rice ayay ku sheegtay in Al-shabaab ay wacad ku mareen in ay toogan doonaan cid walba oo qorsheynaysa ka qeybgalka shirkaasi, isla markaana ay qarxin doonto hotelada iyo baabuurta ergada.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in Al-shabaab ay sheegteen mas’uuliyadda dilka guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho iyo qaraxyo iyo weeraro lala beegsaday saldhigyada ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo saraakiisha waxa ay ku tilmaantay dawladda ee Muqdisho .

Si kastaba ha ahaatee waxaa warbixintan lagu tilmaamay in Sheikh Aadan Hashi Ceyroow uu yahay Hogaamiyaha Al-shabaab, waxaana lagu eedaysay in dagaalyahaniintiisa uu amar ku siiyay in la weeraro Ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa Midowga Africa ee jooga Muqdisho, iyadoo intaa raacisay in uu Aadan Hashi Ceyroow ugu baaqay dad ajnabi ah inay ku soo biiraan Al-shabaab dagaalkooda ay ka wadaan Soomaaliya.  

SomaliSwiss  Washington 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: