Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG Aadan Madoobe ayaa sheegay in uu xilka iska casilayo, hadii ay Xubnah Baarlamaanka wada shaqeyn waayaan.

Baarlamaanka Somalia

Aadan Madoobe

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda KMG ah ee la shaqeeya gumaysiga Ethiopia Aadan Madoobe ayaa maanta xarunta Baarlamaanka ADC ka sheegay in uu iscasilayo haddii aysan xubnaha Baarlamaanku shaqadooda gudanayn.

Aadan Madoobe oo caro laga dareemayay ayaa ku hanjabay in uu isaga dagayo hogaaminta golaha Baarlamanka wuxuuna yiri ” hadaan isla shaqaynaynin anigu xilka waan ka dagayaa, halkaan waxaan u nimid dadkeena in aan u shaqayno, waxaana u jeedaa in aan shaqo diyaar loo ahayn”.

Warkan ka soo baxay Aadan Madoobe ayaa waxaa uu yimid ka dib markii uu dib u dhac ku yimid labo kalfadhi oo ay Baarlamaanku isugu imaan lahaayeen kagadaal markii uu buuxsami waayay tiradii loogu tala galay in uu ku furmo kalfadhiga Baarlamaanka, ayada oo ay inta badan xubnaha Goluhu xaadir ku yihiin gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Horay ayaa xubna badan isaga bexeen Baarlamaanka, iyagoo ku eedeeyen in xubnaha Golaha Baarlamaanka aysan wax shaqo ah u hayn shacabka Soomaaliyeed ee ay magacooda ku fadhiyaan kuraasta, balse ay meesha u joogaan gunada ay ka helaan Hay’adda UNDP.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan xubno ka tirsan Baarlamaanka oo ku sugan Magaalada Baydhabo oo aan ka soo qayb galin fadhiyada Baarlamaanka KMG ah.

Dhanka kale Nuur Cadde ayaa maanta waxaa uu Baarlamaanka u gudbiyay qoraal ku saabsan sida xukuumadiisu u wajahayso arrimaha dib u heshiisiinta, taas oo uu horay u sheegay in uu wada hadal aan shuruud lahayn kula galayo dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda KMG ah ee la shaqaysa gumayisga Ethiopia.

Golaha Baarlamaanka Dowladda KMG ah ee la sahqeeya gumaysiga Ethiopia ayaa lagu eedeeyaa in ay sabab u ahaayeen ansixinta soogalitaanka ciidamada Gumeysiga dalka Soomaaliya, kuwaas oo dalka u gaystay tacadiyo aan lasoo koobi Karin.

SomaliSwiss Baydhaba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: