Sheikh Xassan Daahir: Waxaan Baaq iyo codsiba u soo jeedinayaa Wadamada Carabta inay ka shaqeeyaan sidii Ciidamada Gumeysiga looga saari lahaa Soomaaliya.

Xasan Daahir

Sheikh X. Daahir

Halkaan ka akhri

Gudoomiyihii hore Golaha Shuurada ee MMIS Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ugu baaqay Wadamada Carbeed ee dhawaan ku kulmi doono Shirka lagu qabanaayo caasimada Suuriya ee Dimishiq dhammaadka bishan Maarso, inay cadaadis ku saaraan Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi sidii uu ciidamadiisa ugala bixi lahaa gudaha wadanka Soomaaliya oo uu soo galiyay dhamaadkii 2006.

Sheikhu ayaa carabka ku dhuftay  in mowqifka Wadamada Carbeed ee ku aadan Soomaaliya uu yahay mid aan la fahmayn isla markaana uu ka Dalbay Madaxda carabta inay saxaan aragtidooda ku aadan Soomaaliya.

Hase ahaatee Sheikh Aweys oo u waramayay TVga “Al-Carabiya” ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in carabtu ay ku tiraahdo Itoobiya kala baxa ciidamadiina sharci darada ah gudaha Soomaaliya.

Warku intaa ku daray in ciidamada gumeysiga Itoobiya ay yihiin kuwo dabar goynaya, barakicinaya shacabka Soomaaliyeed, iyada oo aysan jirin buu yiri sheikha wax mashaariic horumarineed oo ka jira Soomaaliya maadaama ay joogaan ciidamada gumeysiga Itoobiya.

“ ma fahmayo ayuu yiri Sheikh Xasan Daahir sida aysan carabtu u danayn qadiyada Soomaaliya,markii dib loo raaco taariikhda carabtu waxay dhinac iska dhigeen wax ka qabashada arimaha Soomaaliya, sidaa darteen waxaan ka dalbanaynaa in ay wax ka badalaan mowqifkaasi”.

Hase yeeshee Sheikh Aweys ayaa balan ku qaaday in ay sii wadayaan Jihaadka ay kula jiraan ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa kale ee sharciyaynaya gumeysiga ee Midowga Afrika illaa ay ka baxaan gudaha wadanka Soomaaliya.

“waxaan la yaabanahay in nala waydiiyo mowqifkayaga ku aadan ciidamada gumeysiga, anaga oo horey u sheegnay in heshiiska dhex mara soomaalida dhaxdeeda uu yahay mid aad u sahlan haddii ay wada baxaan ciidamada shisheeye ee isa soo bahaystay”,sidaas waxaa yiri sheikh Aways .

 Mar wax laga waydiiyay Sheikh Xassan khilaafka u dhaxeeya C/laahi yuusuf iyo Nuur Cadde ayaa waxa uu uga jawaabay sidan “labaduba waa dabo dhilifyo u shaqeeya gumeysiga, C/laahi Yuusufna horey ayuu u sheegay in ciidamada gumeysiga ay ku yimaadeen Soomaaliya gacan taag ay u sameysay xukuumadiisa la shaqeysa gumeysiga”

Balse uga dambeyntii Sheikh Xasan Daahir Aweys oo wuxuu ugu baaqay Caalamka iyo wadamad Carbeedba in ay arinta Soomaaliya si fiican u eegaan.  

SomaliSwiss  Muqdisho 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: