Magaalada Baydhabo oo ay xalay isku rasaaseeyeen Ciidamada Booliiska & Milatariga Dowladda KMG ah oo dhimasho iyo dhaawac keenay.

Baydhabo

Baydhabo

Halkaan ka akhri

Sida lagu soo warramay hal askari ayaa ku geeriyooday mid kalana waa uu ku dhaawacmay iska hor’imaad xalay ku dhex maray gudaha Magaalada Baydhabo ciidamada Booliiska iyo milatariga Dowladda KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay SomaliSwiss ay heshay magaalada aydhabo ayaa sheegaya in iska hor’imaadkaasi uu sababay ka dib markii ay labadan ciidan kala shakiyeen xili ay roondo ku marayeen gudaha magaaladaasi.

Dagaalkan ayaa ka dhacay suuqa digaaga lagu iibiyo ee magalaada baydhabo ee xarunta gobolka baay.

Balse ma jiraan illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Ethiopiya oo arintaasi la xiriirta.

Shakiga soo kala dhex galay ciidamadan ka wada tirsan Booliiska iyo Milatariga Dowladda KMG ayaa ah kii ugu horreeyey ee ay isku rasaaseeyaan gudaha magaalada Baydhabo waxaana ay arintani ku soo beegmaysaa iyadoo amaanka magaaladaas uu ahaa bilahan mid sii xumaanaya.  

SomaliSwiss  Baydhabo Jannaay 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: