Golaha Dhaq & Midnimada Hawiye oo soo dhaweeyay Hadalkii ka soo yeeray Ra’isal wasaare Nuur Cadde.

Odayaasha Hawiye

Odayaasha Hawiye

Halkaan ka akhri

War saakay naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in warsaxaafadeedkii uu shalay galab uu siiyey Ra’isal wasaare Nuur Cadde Warbaahainta ka shaqaysa magaalada Muqdisho ee ahaa in ay Odayaasha Dhaqanka Hawiye ay xor u yihiin dhaq-dhaqaaqooda, isla markaana aysan saarnayn wax cadaadis ah.

Warkan ayaa soo baxay xili ay odayaashaasi tacadiyo kala duwan kala kulmeen Mas’uuliyiin ka mid ah Dowladda KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya.

Hase yeeshee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye ayaa la sheegay inay soo dhaweeyay warkaas.Afahayeenka Gollaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye C/laahi Xasan Abuukar (C/laahi Dheere) ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan arintaasi isla markaana ku tilmaamay in ay qeyb ka tahay dib u heshiisiinta uu sheegay inuu nuur cadde wado.

Sidoo kale Mudane Maxamed Xasan Xaad oo ah Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye ayaa isagana  dhinaciisa ka soo yeertay in hadlka uu ka dhawaajiyey Nuur Cadde uu yahay mid billaab ah, isla markaana sheegay in ay golohoodu uu markii horeba wadin wax dhibaata ah.

Mudane Maxamed Xasan Xaad ayaa sidoo kale sheegay in cadaadis iyaga la saaro ay kolkii horeba gardaro ahayd isla markaana ay hadda u arkaan talaabada nuur cadde qeyb ka mid ah dib u heshiisiinta uu sheegay in uu ku dhaqaaqayo.

Ra’iisulwasare Nuur Xasan Xuseen oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku amray ciidamada DKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya in ay u madax baneeyaan odayaasha hawiye dhaq-dhaqaaqyadooda.  

SomaliSwiss  Muqdisho 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: