Bannaan-bax aad u weyn oo looga Cabanayo Sare u kaca Raashinka quutul daruuriga ah iyo shidaalka oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

muqdisho2.jpg

Bannaanbax

Halkaan ka akhri 

Kumaan kun qof oo ka mid ah dadweeynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa maanta Bannaan-bax ay uga cabanayaan sicir Bararka iyo lacagaha duuga ah ee la diidayo ka dhigay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey ee gobolka Banaadir.

Hase ahaatee Dadweyne oo aad u careeysnaa ayaa waxay socod dheer ku soo mareen waddooyinka  dhaadheer ee isku xirta Degmooyinka Gobolkan Banaadir qaarkood sida degmada Dharkeenleey iyo Wadajir, waxaana ay dadkaasi socodka ka soo bilaabeen Deegaanka Xoosh oo dhanka Woqooyi ka xigan Degmada Dharkeenleey waxaana ay socodkooda ku ekeeyeen Deegaanka Korontada ee Degmada Wadjir.

Mudaaharaadkan ayaa waxaa  ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaa kuwa ku nool degmooyinkaasi oo ah kuwo si weyn ay ugu qexeen shacabka reer Muqdisho ayaa waxaa kala qeyb galay Abwaano iyo Wax garada kuwasi oo gabayo ay ku cabirayeen Dhibatada lagu hayo shacabka ka soo jeediyay Isku soo baxaasi.

Hase ahaatee dadka ka soo qeyb galay ayaa waxaa u badnaa haween iyo Caruur, Kuwaas oo aad u saameysay sicir bararka badeecadaha, dadkan ayaa ku dhawaaqayay inta ay socdeen ereyo iyo weero ay uga soo hor jeedaan ficilka Sare u kaca ku yimid Maciishada iyo Lacagata Shilin Somaliaga ee uu ka haray Kunka shilin ee la diidayo kiisa Jeexan ama duuga ah.

Sida la wada ogsoon yahay qiimaha la kala gato Maciishada Ayaa waxaa uu sare uga kacay suqayada Caalamka oo idil oo ka mid tan magaalada Muqdish, taasi oo kiiloowgii Bariiska uu yahay ku dhawaad 30 kun oo shilin, waxaana Sidoo kale ay koonbadii Galeeyda ah ama Digirta ay ka joogtaa 25 shan kun shilin Soomaali ah oo ayan weligeed gaari.

Waxaa kaloo Qiimihii lagu raacayay Gaadiidka BL ah uu sare uga kacay ,wuxuuna gaaray  ilaa 5 kun shilin Soomaali ah, halka Meelaha qaar ee magaalada Muqdisho lagu raaco ku dhwaad 20 kun shilin Soomali ah, taasi oo keentay in ay yaraadaan Gawaarida Blka ah ee ka shaqeeynayay Gobolka Banaadir. 

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: