Banaanbax lagu taageerayo hadalkii Ra’isal wasaare Nuur Cadde laguna diidayo hadalkii Maxamed Dheere oo ka dhacey Ceelasha Biyaha.

haweenka1.jpg

Mudaaharaad

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha ilaa iyo Lafoole Bannaan-bax ay ka soo qayb galeen boqolaal qof oo ka soo horjeeda hadalkii uu dorraat ku dhawaaqay Maxamed Cumar Xabeeb oo Wakiilka uga ah Gobolka Banaadir Dowladda KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Ethiopia, ayaa maanta isugu soo baxey deegaanka Ceelasha Biyaha ilaa deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelada Hoose.

Hase yeeshee Dadka maanta isugu soo baxey deegaannadaas ayaa ah dadkii ka soo barakacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo cabasho ka muujiyey hadalkii ka soo yeeray Maxamed Dheere oo ahaa in deegaanka Ceelasha Biyaha laga soo abaabuley weerarkii dhawaan lala beegsadey fariisinka Siinka Dheer oo ay deganaayeen ciidamo beeleed ka tirsan kuwa dowlada KMG ah.

Banaanbaxa maanta ka dhacey deegaanka Ceelasha Biyaha ee ay isugu soo baxeen dadka deegaanka halkaa ka dhigtey ee ka qaxey magalaada Muqdisho ayaa waxa uu ahaa mid aad u balaaran oo dadkuna ay ka muujinayeen dareenkooda ku aadan hadalkii Maxamed Dheere.

Bannaan-baxayaasha maanta halkaas isugu soo baxey goobaha ay deggan yihiin qaxootiga ayaa waxay teegeero u muujiyey hadalkii shalay ka soo yeeray Ra’iisulwasaare Nuur Cadde oo ahaa in dadkii ka qaxey magaalada mqudisho ay dib ugu soo noqdaan deeganadooda.

Qeybo ka mid ah dadkii maanta halkaa isugu soo baxey ayaa ku dhawaaqey hadalo ka dhan ah Maxamed Dheere oo ahaa in lala doonayo barakicin labaad, ka dib markii ay ka soo qaxeen deegaanadii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho.

Balse hal ku dhiga ay ku dhawaaqayeen bannaan-baxayaashu ayaa ahaa:”Maxamed Dheere, Nuur Cadda noo dhaama” kaasoo ka tarjumaya sida dadku ay u dhibaataysan yihiin, hase ahaatee aysan doonaynin in dhibaato mar kale soo wajahda, ka dib qax iyo dagaalo ay ku soo dhex jireen mudooyin badan.   

SomaliSwiss  Muqdisho 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: