Abshir Bacadle oo ah Abwaan si weyn looga xushmeeyo Soomaaliya oo sheegay in Qorshaha Ra’isal wasaare Nuur Cadde uu wanagsan yahay, Balse..!!!!!.

Bacadle

Abwaan Abshir

Halkaan ka akhri

Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle oo ka mid ah abwaaniinta Somaliyeed ayaa sheegay in ay shacabka Muqdisho soo dhaweynayaan hadalkii kasoo yeeray R/Wasaaraha dawladda KMG Mudane Nuur Xasan Xuseen Cadde, kaasi oo ahaa in Odayasha Hawiye laga qaado culeyska loona fasaxo inay qabsadaan howlaha ay u hayaan Bulshada, islamarkaasna la isku furo wadooyinka xir xirana ee magaalada Muqdisho.

Abwaan Bacadle wuxuu muujiyay sida ay shacabku taxadir kaga qabaan hadalka Nuur Cadde,isagoona ku xiray hadalkaasi meel-markiisa ficil ay la timaado xukuumadda oo ka dhabeysa waxa ay sheegtay.

Wuxuu ka digay in R/Wasaaruhu ay gadaal wax kaga xiran yihiin oo uu kala jeeday in siyaasad kale uu lasoo baxayo,laakin waxaaba uu cadeeyay nabadda furaheda in uu ku jiro duulaanka in laga kor qaado nabaddii jirtay.

Waxaa lagu soo duulay nabad jirta,iyadoona nabaddaasi duulaanka laga deynin furihii nabadda lama arki doono, ayuu yiri abwaanka oo tilmaamayay duulaankii Itoobiya ay kusoo qaaday Soomaaliya xiligii Maxaakimta Islaamka.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa intooda badan 100% soo dhaweeyay hindisaha xukuumadda Nuur Cadde iyadoona qof waliba ay sugeyso tallaabada ugu horeysa ee looga dhabeyn doono hadalada wanaagsan ee ka soo yeeray Ra’iisulwasaaraha .

SomaliSwiss Muqdisho 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: