Max’ed Dheere oo liiska Gobolka Banaadir ka saaray Degmada Huruwaay Khilaaf ba’an oo soo kala dhexgalay asaga iyo Maamulka Degmadaas.

max. dheere

Maxmed Dheere

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu Khilaaf xoogan mudooyinkan soo kala dhexgalay maamulka degmada Huruwaay iyo Gudoomiyaha Banaadir Max’ed Dheere kaasi oo salka ku haya amaan darrida baahsan ee ka taagan degmadaasi.

Gudoomiyaha degmada Huruwaay Cumar Cabdulle Axmed Jacfaan ayaa shaaca ka qaaday in maamulka degmadiisa la iska ilaabay isla markaana uu Max’ed Dheere ka saaray liiska degmooyinka gobolka ee lagu xisaabtamo.

Cumar Jacfaan oo sheegay degmadiisa ay tahay goob ay inta badan ka dhacaan dagaalada ka dhanka ah gumeysiga Ethiopia iyo maleeshiyada dawladda aya taasi ku micneeyay in laga seexday amaanka degmada oo cidna aysan ku saacidin.

Cumar Jacfaan waxaa uu ku eedeeyay Max’ed Dheere in uu  ahmiyad weyn siiyo degmooyinka aan dagaalada ka jirin, laakin maamulka Huruwaay ay aad uga xun yihiin iyadoona nolosha masuuliyiinta ay halis ku jirto.

Degmada Huruwaay waa goob ay ku dagaallamaan xoogaga Hubeysan iyo Ciidamada Gumeysiga Ethiopia iyo kuwa dawladda KMG.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: