Gudoomiyihii hore ee Degmada Baladweyne Axmed Gobeey Cawale oo xalay lagu dilay degaanka Ceel Dheer.

Baladweyn

Balad-weyne

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore ee degmada Baladweyne Axmed Gobeey Cawaale xalay ay kooxo hubeysan ku toogteen inta u dhaxeysa Gobalada Hiiran iyo Galgaduud.

Axmed Gobeey ayaa la sheegayin uu safar ugu socday deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ka dibna ay gaariga kala dageen kooxa hubeysan oo aan la garaneyn waxa yihiin.

Axmed Gobeey Cawaale ayaa waxaa lagu dilay inta u dhaxeysa Tuulada Lagu Magacaabo Ceel dheer, isaga oo aan wax xil ah haatan ka heynin gobalka Hiiraan.

Dilka Axmed Gobeey Cawaale ayaa waxaa canbaareeyey eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Axmed Gobeey.

Wax garad ku dhaqan gobalka Hiiraan ayaa sheegay dilka Marxuum Axmed Gobeey Cawaale  lala xiriirinayo in uu ku xiriiro aano qabiil isla markaana aan wax raad ah ku laheyn Dilalka gudoomiyihii hore arimo Siyaasadeed.

SomaliSwiss Hiiraan

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: