Baabuur Bilos
Halkaan ka akhri
Sideed Baabuur oo nooca loo yaqaano Toyotada oo ay Dowladda Uganda maanta ugu deeqday Ciidamada Booliska Soomaaliyed.
Xaflad la lagu qabtay Xarunta Ciidamada Booliska ee Magaalada Muqdisho kana qeybgalay Ra’isal Wasaare Nuur Cadde ayaa Baabuurtaas lagu wareejiyay Taliska Booliska Soomaaliyed.
Booliska Soomaaliya ma haystaan Gaadiid fudud oo ay u adeegsan karaan howl-galadooda marka laga reebo Gaadiidka Tiknikada ah, ma jiro Gaadiid yar yar oo ay Booliska haystaan.Jen Cabdi qeybdiid oo munaasabadaas ka hadlay ayaa uga mahad celiyay dalka Uganda sida ay mar kasta u taageersan yihiin dadka Soomaaliyed.
Taliyaha Howl-galada Midowga Afrika ayaa isna halkaasi ka hadlay wuxuuna sheegay inay jiraan qorshayaal kale oo ay ku taageerayaan Dowladda Soomaaliya.
Balse waxaa iska cad in ayan wakhtigan soo kordhineyn Baabuur lagu deeqo Dowladda KMG ah, maadaama aysan awood laheyn oo maalin walba baabuurtooda lagu gubo wadooyinka qaar.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.