Ciidamada Ethiopia oo xalay ka sameeyeen Wadada Warshadaha Dhaq dhaqaaqyo xoogan oo cabsi gelin ah.

ciidamada-itoobiya.jpg

Ciidanka Ethiopia

Halkaan ka akhri 

Cabsi xooggan oo soo gashay Ciidanada itoobiyaanka ee Fadhiya wadada warshadaha gaar ahaan agagaaraha carafaad ilaa warshadii hore ee Baastada ayaa xalay laga dareemay dhaq dhaqaaqyo xoogan sida ay saakay ay sheegeen dadka Deegaanka.

Dadka deegaankaa waxay intaa ku  dareen in si weyn loo maqlayay guuxa gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan kuwa loo yaqaano Taangiyada, islamarkaana aan la’ogayn halka ay u socdaan iyo sababaha ku aadan dhaq dhaqaaqooda.   

Nin ka tirsanaan jiray Ciidamadii hore ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa wuxuu yiri, “ Xalay Fiidkii ilaa saaka salaadii ayaan maqlaynay guuxa gaadiidka ay ku hubaysan yihiin ciidamada Itoobiya ee ku sugan wadada warshadaha gaar ahaan dhinaca warshada baastada ilaa isbitaalka Carafaat, iyadoo ay nasoo wajahday cabsi xoogan ayuu yiri mid ka mid ah dadka Deegaanka. 

Si kasta ha ahaatee waxaa xoogaa xasiloon xaalada deegaanka oo ay tahay mid caadi ah in kasta oo habeenkii xalay ahayd dadka deegaanada ku xeeran goobaha ay xalay ciidamada dhaq dhaqaaqa ka sameeyeen ay soo wajahday cabsi xoogan.   

omaliSwiss Muqdisho 

SomaaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: