Caruurta Soomaaliyeed ee magaalada Biel / Bienne oo nasiib u yeeshay inay bartaan Afkooda hooye iyo hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

dsc00290.jpg

Dugsi Afsoomaliga

Halkaan ka akhri

Waxaa Taariikhda markay ahayd 15/03/2008  Magaalada Biel/Bienne lagu marti galiyay Frau Winzeler Pvarramt xaflad loo sameeyay Ardayda yar yar ee magaalada Biel Duqsi ama Iskool, kaasoo Caruurta ku dhaqan magaalada Biel lagu baro maalin walba oo Sabti ah Afka Soomaaliga, Dhaqanka iyo Taariikhda Soomalida ay leedahay, taasi oo ah guul usoo hoyatay Soomalida deggan Magaalada Biel.

dsc00299.jpg

Iskoolkan ayaa waxaa Macallimiin ka ah, M. Hassan Aden iyo Sacido Yusuf oo iyagu wax u dhiga Arday gaaraysa ilaa 23, Dugsigan waxaana Maamule ka ah Marwa Fartuun Ali Mohamed.

dsc00302.jpg

Maamulka iskoolkan Marwa Fartuun Ali ayaa waxay uga warbixisay Wariyaha SomaliSwiss waxyaabihii u qabsoomay muddadii yareed ee uu furnaa Iskoolkan waxayna ay tiri, “ Waxaan si aad ah uga dareenay Caruurteenna isbedel ballaaran oo ah dhinacyada qoraalka Af-Soomaaliga iyo fahamka Dhaqankeena hooyo.

dsc00308.jpg

Si kasta ha ahaatee iskoolkan waxaa la dhigtaa todobaadkii hal mar oo ah maalinta sabtiga, hase ahaatee Maamulka Iskoolka iyo Waalidiinta Caruurta waxay u mahad celinayaan guud ahaan dadkii gacan ka gaystay furitaanka Dugsigan, gaar ahaan frau winzeler Pvarramt oo ka tirsan ref, paulus kirche Biel oo sheegtay in ay ka caawin doonto sidii ay u hor mari lahaayeen Haweenka iyo Caruurta kuna fahmi lahaayeen is dhex galka iyo Dhaqamadooda.

Frau Winzeler Pvarramt ayaa intaa ku dartay in ay si weyn u daneyneyso dadaalka ay sameeyeen Haweenka iyo Hooyooyinka caruurtooda halkaasi isugu keenay si ay u baraan isdhex galka ama Dhaqanka Soomaaliyeed iyo Afkooda Hooyo, iyadoo sheegtay in ay ka caawin doonto wax allaale iyo wixii ay ka awoodo.

dsc00315.jpg

Uga dembeyntii Maamulka iyo macallamiinta, waxay Soomaalida kale ee ku dhaqan Kantoonada dalkan Swiss-ka ku dhiiri geliyaan inay Caruurtooda ugu dadaalaan sidii ay ugu hadli lahaayeen Afkooda hooyo ayna u baran lahaayeen Asalka Dhaqanka iyo hiddahooda Soomaaliyeed. 

dsc00303.jpg
dsc00290.jpg
dsc00318.jpg
dsc00332.jpg
dsc00334.jpg

SomaliSwiss  Biel/bienne 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: