Hotel Madina
Halkaan ka akhri
Hotel Madiina Al-Munawara oo kudhex yaala Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ay gubeen Maleeshiyada Dowladda KMG ah.
Hotelkan oo ka mid ahaa Hoteelada kudhex yaala Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa ka muuqday inuu gabi ahaanba burburay, kadib markii ay Maleeshiyada ka amar qaata Dowladda KMG ah dab qabadsiiyeen Hotelkaasi.Â
Milkiilaha Hotel Madiina ayaa Saxaafadda u sheegay inay ku gubteen dhamaan hantidii taalay Gudaha Hoteelka.
Waxaana intaa uu ku daray inay jireen lacago iyo hanti fara badan oo taalay gudaha Hotelka taasoo ay dab ku qabteen Maleeshiyada Dowladda KMG kuwaasoo xittaa dadka u diiday inay damiyaan dabkaasi.Â
Milkiilaha Hotel Madiina ayaa sheegay in ay Hotelka kaga baaba’day hanti uu ku qiyaasay $65ooo oo US doolar, sida uu sheegay Milkiilaha Hotel Madiina.Â
Milkiilaha ayaa Umada Soomaaliyeed ugu baaqay inay arkaan tacadiyada Maleeshiyada dowladda ay kula keceen Hantidiisa.Â
Milkiilaha Hotel Madiina ayaanan sheegin sababaha ay u gubeen Maleeshiyaadka Dowladda KMG, isagoo sheegay oo kaliya in uu arkay iyagoo Hotelka soo galay kadibna dab qabadsiiyay.Â
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.