Yemen oo martigelineysa shir looga hadlayo Muhaajiriinta Sharci darada ah ee dalkeeda kaga yimaada Geeska Afrika.

yeman1.jpg

Qaxootiga Yemen

Halkaan ka akhri

Dawladda dalka Yemen ayaa daboolka ka qaaday war sheegaya in ay dhawaan martigelineyso shir Caalami ah oo looga hadlayo arrimaha dadka sida sharci darrada ah kaga soo gala dalkeeda Geeska Afrika gaar ahaan dalka Somaliya. 

Nin u hadlay dowladda Sanca ayaa sheegay in shirkaas ay ku casuumtay dalal dhowr ah oo ay kamid yihiin; Sudan, Sucuudiga, Cumaan, Masar, Kenya, Ethiopia iyo dalal kale oo Reer Yurub ah si ay kaga xaajoodaan mustaqbalka dadka soo galootiga ah. 

Hase ahaatee waxaa la sheegay in Shirkaas ay qarashkisu bixineyso dawladda Mareykanka ,balse ujeedada iyo hadafka laga leeyahay kulankaas uu yahay sidii dadka Muhaajiriinta sharci darrada ah ee Afrika barnaamij degsan loogu sameyn lahaa marka ay yimaadaan dalka Yemen. 

Uga dambeyntii warku wuxuu intaas ku darayaa  in Kumanaan qof oo Somali iyo Itoobiyaan isugu jira ay sanad waliba ka soo baxaan xeebaha Puntland iyadoona ay qaarkood biyahada badda ku haraqmaan halka kuwa kalena iyagoo dhibaateysan ay gaaraan dalka Yemen halkas oo ay kaga sii tahriibaan dalka Sucuudiga. 

SomaliSwiss Sanca 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: