Shirkii 11aad ee Wadamada Islaamka oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Dakaar ee caasimadda dalka Sengal.

islam4.jpg

Shirka Islaamka

Halkaan ka akhri

 Waxaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Dakkar ee caasimadda dalka Sengal shirkii 11aad ee wadamada Islaamka, halkaasi oo ay kasoo qeybgaleen ku dhawaad 50 hogaamiyeyaal iyo masuuliyiin Caalami ah oo goob joog ka ahaa fadhiga shirkaasi.

Hase ahaatee labadii maalmood ee shirkaas socday waxaa lagu qaadayay arrimaha badan, waxaana ugu waaweynaa Somaliya,Ciraaq,Filastiin,Chad, Sudan iyo Lubnaan, waxaana kaga qeybgalay Somaliya Madaxweyne C/laahi Yuusuf.  

Bayaankii gabagabada ee kasoo baxay shirkaasi ayaa si weyn loogu faaqiday waxyaabihii la isku raacay ee shirka kasoo baxay iyadona ay u badnaayeen in wadamada Islaamka ay gacan iska siiyaan sidii ay Caalamka ugu muujin lahayeen Suuradda wanaagsan ee diinta Islaamka. 

Tallaabadii ugu muhiimsaneyd ee shirka ayaa aheyd markii heshiis lakala dhex dhigay madaxweynayaasha dalalka Sudan iyo Chad Cumar Al Bashir iyo Idris Dibbi oo halkaasi ku saxiixay heshiis ay ku ilaalin doonaan xuduudadaha labada dhinac. 

Hase yeeshee Amiir Sucuud Al Feysalka Sucuudiga oo halkaasi ka jeediyay hadalkii ugu dheeraa ayaa ku dheeraaday dhibaatooyinka heysta dadka Muslimiinta Caalamka iyo qaabka looga kor qaadi karo waxaana uu usoo jeediyay dalalka Islaamka in ay ka hortagaan waxa uu ku sheegay ”Xagjirada mayalka adag”ee diinta Islaamka ka dhigay mid baahisa naceybka iyo karaahiyeysiga diimaha kale. 

Sidoo kale waxaa si aad u ah ugu dhalleeceeyay dalalka reer galbeedka in aysan dadka Muslimiinta si weyn u dhowrin mashaacirtooda marka ay dhawaan faafinayeen aflagaadooyin ka dhan ah Nabi Mux’ed SCW oo wax ma garato wax ku qorta Wargeys kaso baxa dalka Denmark ay sawiro cartoons ah ku af lagaadeeyeen. 

Shirkii Wadamada Islaamka oo soo gebageboobey ayaa waxaa la iskula dar daarmay in wax weyn laga badalo sanadaha soo socda arrimaha murugeysan ee Ciraq,Somaliya iyo Filastin isla markaana la isku kaashado qaabkii lo hormarin lahaa dhaqaalaha dalalka Caalamka Islaamka. 

SomaaliSwiss Dakaar 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: