Madax. Senegal
Halkaan ka akhri
 Madaxweynaha dalka Senegal Madaxweyne Abdoulaye Wade oo dalkiisa uu martigeliyay shirkii wadamada Islaamka ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu gacan ka geysan doono sidii lagu gaari laha nabad waarta oo ka dhalata dalka Somaliya.Â
Madaxweyneuhu ayaa si adag u sheegay in ciidamada Dawladda Somaliya ay siin doonaan tababaro lixaad leh si ay awood ugu yeeshaan sugida amanka dalka iyo kaalmeynta xukuumadda Federaalka.Â
Hase yeeshee wuxuu intaas raaciyay Madaxweyne Wade in Soomalidu ay ka dagaashay dagaallo sokeeye iyo is qab qabsi siyaasadeed haatana ay la gudboon tahay in ay isku kaashato sidii dadka iyo dalka dhibaatada looga bixin lahaa.Â
Balse Madaxweynaha ma uusan sheegin goorta ay tababarka u bilaabayaan ciidamada dawladda laakin waxaa uu xaqiijiyay in ay ku dhaqaaqi doonaan tallaabadaasi, kadib markii Somaliya lagu soo qaaday shirki OIC-da ee Dakkar.Â
Sidoo kale Abdoulaye Wade waxaa uu aad u soo dhaweeyay tallaabadii uu R/Wasaare Nuur Cadde ku iclaamiyay in ay hadal la galayaan dhamaan dhinacyada kala duwan ee Mucaaradka dawladda Federaalka.Â
SomaliSwiss Wakaaladaha WararkaÂ
Filed under: SomaliSwiss | Tagged: SomaliSwiss Somalia Mogadisho Puntland Somaliland Baido |
You must be logged in to post a comment.