Isbahaysiga Dib-U-Xoreynta Soomaaliya oo War-Saxaafadeed ka soo saaray shirka kasocda wadanka Uganda.

Isbaheysiga

Isbahaysiga

Halkaan ka akhri

“Majirto ciduu Isbahaysiga Dib-u-xoreynta u dirsaday shirkii lagu qabtay dalka Uganda, horuuna u cadeeyay mowqifkeena ku aadan shirkaas”, sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Mudane Suleymaan Colaad Rooble.

Balse Guddoomiyuhu wuxuu intaa raaciyey ee uu yiri, “Waxaan warbaahinta qaarkood ku aragnay in shirka la sheegay inuu ka dhacay dalka Ugaanda uu Isbahaysiga uga qaybgaleen xubno sida la sheegay ka mid ah mas’uuliyiinta sarsare ee Isbahaysiga.

Haddaba waxaan caddeynaynaa inaysan jirin xubno Isbahaysiga u matasha shirkaas oo uga qaybqaadanaya. Ha yeeshee aragtida Isbahaysiga ee shirkaas horey ayaan warbaahinta iyo dowlada Ugaandaba ugu cadeeyay.

Waxan kakoo horay u sheegnay in shirar noocan ah, waxaa loogu talagalay in lagu sii fogeeyo jahawareerka uu awalba dalka uu ku jiray waana ka soo horjeednaa wixii aan u adeegaynin maslaxada ummadda oo uu shisheeshe iyo NGO  ka midka ahaa mushkilada dalka ay dabada ka riixayaan si loo sii murjiyo ama loo huriyo mushkiladda daba dheeraatay ee dalka Soomaaliya.

Waxaan beesha caalamka u sheegaynaa inaan laysku mashquulin talaabooyin aan horseedaynin wanaag inay wax sii murjiyaan mooyee. Guddoomiyaha guddiga warfaafinta iyo wacyi galinta ee isbahaysiga

Md Sulaymaan Colaad Rooble.

 SomaliSwiss Asmara 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: