Madaxweynaha Uganda:- “Soomaaliya waxay noqotay sheybaar lagu ogaado waxa uu daneystuhu yahay, waxaana qabaa in la wada garanayo waxa uu daneystuhu rabo oo ah awood iyo hodantinimo”.

Yoweri Moseveni

Halkaan ka akhri

Shirkii Bulshada Rayidka Soomaaliyeed uga socday Hotelka Imperial Resort Beach ee Magaalada Entebbe oo maanta maalintii labaad socday ayaa waxaa ka qeybgalay oo ka qeybgalayaashii shirka la hadlay madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguto Moseveni.
 
Intii uusan madaxweyne Mosaveni la hadlin ka qeybgalayaasha shirka ayaa waxaa khudbad soo dhaweyn ah jeediyay Agaasimaha hay’adda Cilmi baarista iyo Wadatashiga CRD Jabriil Ibraahim Cabdulle oo sheegay in ay farxad u tahay in uu shirka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed uu ku soo dhaweeyo Madaxweynaha Uganda oo ka mid ah Madaxda Afrika ee sida weyn uga hadla xal u helidda mushkiladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Dowladda Uganda ay door muhiim ah ka ciyaareyso Arrimaha Soomaaliya.
 
Intaas kadib wuxuu sheegay Jabriil in Shirka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ujeedada loo qabtay in ay tahay sidii la isugu keeni lahaa Bulshada Rayidka, isla markaana ay door muhiim ah uga ciyaari lahaayeen nabadeynta Soomaaliya, iyadoo loo marayo qaab wax dhisaya.

“Md. Madaxweyne waa waqti hore haddii aan ku dhahno waxaa la gaaray go’aanno shirka ka soo baxay balse Dadka Shirkan ka qeybgelaya oo ka kala yimid Soomaaliya iyo Qaaradaha kale ee Adduunka waxaa ka go’an in la soo celiyo sharaftii iyo Qarannimadii Soomaaliya”ayuu yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Moseveni oo intaas kadib hadal u jeediyay ka qeybgalayashii shirka ayaa sheegay in uu si weyn uga xun yahay in dhibaatada Soomaaliya ay sii socoto, isagoo sheegay in uu arrimaha Soomaaliya si gaar ah ula socday tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguto Musaveni

“Waxaan Muqdisho tegay sanadkii 1992-kii, waxaana soo arkay Jen. Caydiid xiligaas magaalada waxaa ka jiray Qad Cagaaran waan ka tallaabay, waxaana soo arkay Cali Mahdi, wiilka dhashay xiligaas hadda waa qaan-gaar, waxaan leeyahay taasi xaq ma ahan, hana ogaadeen dadka haddii ay ahaan lahaayeen Hoggaamiyayaasha Diimeed ama kuwa kale”ayuu yiri Madaxweyne Museveni.

Waxaa uu ka hadlay Madaxweynaha waxa salka u ah dhibaatada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay  tahay horumar raadin loo marayo adeegsiga qabyaaladda iyo daneystenimada, “Soomaaliya waxay noqotay sheybaar lagu ogaado waxa uu daneystuhu yahay, waxaana qabaa in la wada garanayo waxa uu daneystuhu rabo oo ah awood iyo hodantinimo”ayuu yiri Madaxweynaha Uganda oo intaas ku sii daray in lala yaaban yahay waxa ay isku hayaan dadka Soomaaliyeed oo ah dad isku Af, Dhaqan iyo Diin ah.

Madaxweyne Museveni waxaa uu markaasi kadib si toos ah uga hadlay dhinacyada isku haya Siyaasadda Soomaaliya iyo weliba sida ay doonayaan in ay ku gaaraan hadafyadooda, wuxuuna sheegay in uusan qabin in la isku milo siyaasadda iyo diinta. “Diinta waa in Alle lagu caabudo oo Janno lagu helo, siyaasaddana waxay ku kooban Adduunka, waxaana lagu hagaa adeegyada ay aas-aasiga ah ee ay dadka u baahan yihiin sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo wixii kale ee la mid ah.

“Marka aad Soomaali tahay oo aan xoolo dhaqato sida Geel, Ari iyo Lo, kama fikireysid soomaaliya oo dhan waayo waxaa ka fikireysaa sida caadiga ah meelaha ay xoolahaaga daaqsinka ka heli karaan, taasina waa sida ay dadka xoolo-dhaqatada ah sameeyaan, aniga hadda waxaa nool Aabahey oo ku nool meel 200 oo Mile u jirta Magaalada Kampala 17 sano ka hor dan kama geli jirin sida ay tahay Kampala sababtuna waxay ahayd wax dan ah kama soo geli jirin wuxuun kaliya ku koobnaa deegaanka uu degan yahay, hadda waxaa magaalada Kampala yimaada ganacsi ka yimaada deegaankaas hadda wuxuu bilaabay Aabahey in uu ka wel welo xaaladda Magaalada Kampala, taasina waxaa keeneysa faa’iido ayaa ka soo gasha”ayuu yiri madaxweyne Musaveni oo sheegay in loo baahan yahay in ay dadka Soomaaliyeed noqdaan kuwo aan deegaanadooda kaliya ku koobneyn.

Waxaa uu sheegay madaxweyne Museveni in ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeybgeleysa shirka ay yihiin kuwo dadka ka caawin kara in ay nabad iyo nolol helaan, “haddii ay dhibaatada sii socoto waxaad weyn doontaan wax badan, marka ka shaqeeya sidii loo soo celin lahaa nabaddii Soomaaliya, “haddii uu Sac (Neef Lo’ ah) dhinto ninka Saca iska leh wuu naxaa, laakin waxaa jiro cid dhimashada Saca u damaashaadeysa cid kale waana Gorgorka marka gorgor ha noqonina ee dadkiina badbaadiya”ayuu yiri Mosaveni Madaxweynaha Uganda.

Mar uu ka hadlayay waxa sii dheereynaya dhibaatada Soomaaliya ayuu ku sheegay in ay tahay iyadoo dhinacyada dagaallamaya ay dagaalka ku hayaan gudaha dalka, gaar ahaan Caasimadda, “Markii aan Muqdisho booqday 1992-kii waan u sheegay Jen. Caydiid in dagaallada aaney ka dhicin gudaha Caasimadda, waxaan ku iri waxay la mid tahay adiga oo guri aad degan tahay dhexdiisa ku dagaalameysa, wuu iga qaatay Jen. Caydiid hadalkaas waayo wuxuu ahaa nin wax dhegeysta, waana ka xumahay in uu geeriyooday”ayuu mar kale yiri Madaxwyne Musaveni oo mararka qaarkood af-soomaali loogu bedelay ereyo soo gelayay khudbaddiisa oo uu ku cabirayay dhibaatada ka taagan Soomaaliya, sida daneyste, gorgor iyo kuwo kale, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu ereyadaas u tarjumayay Prof. Maxamed Shiikh Jawaari oo madaxweyne Musaveni guddoonsiiyay Qaamuus Af-Soomaali iyo Af-Ingiriis ku qoran, kaasi oo madaxweynaha loo siiyay sabab la xiriirta in uu daneynayo Luuqadda Soomaaliga ku hadalkeeda.

Intaas kadib madaxweyne Musaveni oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in markii ay xukunka ka tuurayeen Xukunkii Iidi Amiin aysan Magaalada Kampala u dhisneyn sida ay maanta tahay, wuxuuna sheegay in ay taasi ku timid dadaal ay sameeyeen dadka Uganda oo u guntaday in ay dalkooda hanti gashadaan, isal markaana ay dib u dhisaan.

Mar uu sii faah-faahinayay mushkiladda Soomaaliya waxaa uu sheegay in ay isagu la yaab ku tahay sabab ay cid kasta uga hadasho madaxweynenimada C/llaahi Yuusuf, “C/llaahi Yuusuf waa madaxweyne KMG ah, xiliga la doortay waa shan sano, weyna dhamaaneysaa, marka dadka Soomaaliyeed waxaa la gudboon in aysan isku mashquulin waqtiga madaxweynenimada C/llaahi Yuusuf ee waa inay ka tashadaan aayahooda iyo wixii la yeeli lahaa marka uu dhamaado xiliga dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ayaa ka qeybgalayashii Shirka ku soo dhaweeyay Dalka Uganda, isagoo sheegay in aysan u arkeynin dad shisheeye ah balse ay u arkayaan dad walaal ah, “Dalkan waxaa ku nool Soomaali badan oo qaarkood ay ganacsi ku leeyihiin, sidoo kalena waxaa ku nool Dad kale oo ka soo jeeda Dalalka Rwanda, Congo iyo Suudaan, dhamaantoodna si xor ah ayay u joogaan”ayuu yiri Madaxweyne Musaveni.

Source (HOL)

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: