Isbahaysiga Dib-U-Xoreynta Soomaaliya oo ka Jawaabay Warbixintii Maraykanka ku eedeeyay qaybaha ka dagaallamaya Soomaaliya.

Isbaheysiga

Isbahaysiga

Halkaan ka akhri

Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya
Guddiga Fulinta.

Xafiiska Warfaafinta & Wacyigelinta 
Alliance for Relibration of Somalia
The Excutive Committee
Office of Information

Warsaxaafadeed

Sida laga maqlay isla warkaa BBC ee Arbacada, 12 Maarso 2008, dawladda Maraykanku wax ay siidaysay wax ay ugu yeertay ‘Warbixin Sannadeedkii ku tacadiyada xaquuqal insaanka dunida oo dhan ee sannadkii la soo dhaafay 2007.

Waxaa xusid gaar ah mudan oo warbixinta lagu sheegay in ay Soomaaliya ka jiraan ku tacadiyadaas xaquuqal insaanku.  

Hase yeeshe, wax ay dawladda Maraykanku ka gaabsatay oo aysan qiran ama aqoonin, in ay iyadu falal debiyeedyadaa qaarkoodna toos u gashay kuwo kalena abuurtay, masuul ka tahay tacadiyadaa ay Soomaaliya ka geystaan ciidamada Itoobiyaanka oo Maraykan awaamiirtiisa iyo danihiisa fulinaya iyo dabdhilifyadda Bur- cadda Soomaali ku sheega loogu yeero TFG. 

Madaama ay dawladda Maraykanku awood u leedahay in xakamayso dembilayaasha iyada ku xiran, sidaasna ay san yeelin waa caddaan in ay raali ka tahay waxa Soomaaliya ka dhacaya.

Isla warkaa BBC wuxu sheegay in isla maalintaa Soomaali ku-sheega T.F.G. qabatay shir saxaafadeed, sheegayna wax ay ku tilmaameen ‘Istraatijiiyad Cusub oo Dibu Heshiisiineed’.  

In kasto at tani qiraal u tahay fashilka ‘shir dibu heshiisiineed ku-sheegi hore oo la qabtay sanndadkii tegay (Agos- September 2007) oo si weyn loogu durbaan tumay, maal badana lagu bixiyay, haddana, koxda Embagati sidii caadada u ahayd, wax ay xataa ka gaabsadeen in sheegaan dhibaatooyinka ugu waa-weyn oo qaranka Soomaaliyeed haysta, wada hadal Soomali dhex marana caqabad ku ah. 

 Kuwaas oo ah duulimaadka Ciidamada shisheeye iyo haysashadood dalka Soomaaliyeed oo u adeegaya danaha Maraykanka, iyo baahida deg-degga ah oo loo qabo in si dhakhso ah ciidamadaa looga saaro ciidda Soomaaliyeed. 

Hase yeeshee Warkan koxda Embagati waddo waa dacaayad raqiis ah oo loogu talo galay jaah wareerin, wax cusub oo qiimayn mudanna aanay ku jirin.Wa billaahi towfiiq.

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: