Daahir Xaaji Cismaan (Daahir Dhaga-weyne) oo ka tirsanaa halgameyaashii aasaasay Ururkii SYL oo maanta ku geeriyooday magaalada Qardho.

Daahir Dhaga-weyne

Daahir Dhaga-weyne

Halkaan ka akhri

Marxuum Daahir Xaaji Cismaan (Daahir Dhaga-weyne) Allaha u naxariistee wuxuu halgamaagani beryihii ugu danbeeyey ku sugnaa magaalad Qardho, isagoo mudooyinkii ugu danbeeyey ku xanuunsanayey magaalada Qardho.

Allaha u naxariistee waxaa Daahir Xaaji Cismaan (Daahir Dhaga-weyne) lagu xasuustaa halgankii ay usoo galeen isaga iyo saaxiibadii Xornimada Somalia, wuxuuna ahaa nin si weyn loogu yaqaan bashaashnimo iyo isagoo aan aqoon qabyaalada iyo kala qaybsanaanta Umadda Soomaaliyeed ee ay xornimadeeda u soo halhameen.

Marxuum Daahir Xaaji Cismaan (Daahir Dhaga-weyne) wuxuu dhashay 1923-dii, wuxuuna kamid ahaa 13-kii Dhalinyaradii aasaasay Ururkii leegada SYL.

Allaha u naxariistee Daahir Xaaji Cismaan (Daahir Dhaga-weyne) waxaa lagu aasayaa magaalada Qardho, waxaana aaskiisa ka qaybgelaya masuuliyiin aad u fara badan oo ka tirsan maamul goboleedka Puntland, oo isugu jira xildhibaano iyo Wasiiro, sidoo kale madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Maxaamuud Muuse Xirsi (Cade Muuse).

Ayaa dhamaanba Umadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey geeridii ku timi halyeygan Soomaaliyeed Allaha u naxariistee, wuxuuna Cade Muuse sheegay in maanta laga bilaabo loo samaynayo baroor diiq sadex maalmood ah calankana hoos loo dhigayo, taas oo lagu xusayo halgankii Daahir Xaaji Cismaan (Daahir Dhaga-weyne).

Dhanka kale qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda KMG ah ayaa waxay tacsi u direen Umada Soomaaliyeed iyo eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday allaha u naxariistee Daahir Xaaji Cismaan, oo maanta ku geeriyooday magaalada Qardho, halkaana aas qaran maanta loogu samaynayo.

SomaliSwiss Boosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: