Dr. Xaawa Cabdi Dhiblaawe oo Bilad Sharaf lagu gudoonsiiyay magaalada Geneva ee wadankan Switzerland.

Dr. Xawa 1

Bilad Sharaf

Halkaan ka akhri

 Sawirada Hoos ka Daawo

Waxaa 8 Maarso 2008 oo ah maalinta caalamiga ee Haweenka lagu xusay magaalada Geneva ee wadanka Switzerland waxqabdkii Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe.

Dr. Xawa 1

Waxaa barnamij kaas ku midoobay Ha’adaha Samafalka Soomaaliyeed ee Switzerland oo kala ah, DARYEEL NGO, RAJO NGO, KALKAL ASSOCITATION IYO midowga ha’adaha Soomaaliyeed ee Europe laanta Switzerland oo ku gudoon siiyay halkaas Bilad Sharaf Dr. Xaawo Cabdi.

1

Hir galka munaasabdaas waxaa ka qaybqaadatay dowlada wadanka Switzerland khaas ahaan maamul goboleedka Geneva iyo waliba Ha’adaha caalamiga.

2

Dr. Deeqo Maxamed Waqaf oo ah gabadha Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe ayaa ka so jeedisay qudbad ku saleeysan wax qabadka Hooyadeed iyo xaalada Ummada daruufaysan ee ka so barakacaday dagaalada ka dhacaya Muqdisho maadama ay Dr. Xaawo Cabdi xanuunsanayd habeenkaasi.

3

Sidda oo kale waxaa qudbado kala duwan oo lagu qeexayo taarikhda wadanka Soomaaliya iyo baahida ay bulshada Soomaaliyeed maanta u qabta gargaar aadanimo ka soo jeediyay dowlada wadankan Switzerland iyo Pr Maryan Cusmaan oo ka socotay Somali Women Diaspora.

shahaado

Waxaa kale oo laga shiday madashaasi Video uu ka soo duubay Soomaaliya wariyihi faransiiska ee Boosaaso / Puntland lagu afduubay 2007 December-tii la soo shaafay Video-gaas oo si rasmi ah uga hadlayay xaalada ay maanta ku sugan tahay Soomaaliya, khaasatan magaalada Muqdisho.

40

Fursadaas qaaliga ah aan horay uga dhicin wadankan ayaa waxaa ka soo qayb galay marti sharaf ka socotay beesha caalamka iyo ha’ado daneynayay arimaha wadanka Soomaaliya in ay wax ka qabtaan.

41

Maadama ay ahayd maalinta caalamiga ee Haweenka waxaa kale oo lagu xusay shir weeynahaasi Xaquuqda Dumarka iyo saameeynta uu Gudniinku ku leeyahay caafimaadka Haweenka oo ay si caqiibo leh uga hadleen injineerada Maryama Maxamuud oo ku magac dheer (Maryam Tifow) iyo Dr. Xaawo Xasan oo ku magac dheer (Xaawa Ganey).

43

Dhamaan ha’adaha Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay hir galka barnamijkaas wax ay u mahad celinayaan Xaliimo Axmed oo ah gudoomiyaha DARYEEL NGO oo aad iyo aad uga soo shaqaysay barnaamijka ahna hooyada fikirka munaasabadaasi.

222

Balse maalintii labaad waxaa ku boqoday hoteelka ay ka degantahay magaalada Geneva Dr. Xaawo Cabdi wariyaha SomaliSwiss Yuusuf garabey oo halkaasi uga soo qaaday Sawiro ayadda oo ka codsatay in uu uga mahad celiyo dhamaan Ummaddi u soo qaban qaabisay barnamijkaasi ayada oo xustay in ay sharaf weyn u tahay ayna uga mahad celineyso.

SomaliSwiss Geneva

Wariye Garabey

SomaliSwiss@hotmail.com

224225230231236242244213239222shahaado

%d bloggers like this: