Shir looga hadlayay Nabadeynta Soomaaliya oo shalay ka furmay Magaalada Entebbe ee dalka Uganda.

shirka-uganda12.jpg

Shirkii Uganda

Halkaan ka akhri

Waxaa shalay ka furmay Hotel Imperial ee Magaalada Entebbe ee dalka Uganda Shir ay ka qeyb gelayaan xubno ka socda Ururrada  Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, Soomaalida Quebaawiga ah iyo Rag fikir ahaan kala taabacsan dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya ee kala ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maxkamadaha Islaamka.

Shirkan oo socon doona muddo seddex maalmood ah ayaa waxaa maanta looga hadlay doorka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin xal u helidda Mushkiladda Soomaaliya, waxaana ka doodista qodobkaas hogaaminayay Guddi ay xubno ka yihiin Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, C/raxmaan Cusmaan Shuuke, C/raxmaan Macallin C/llaahi Baadiyow, Maxamuud Jirde Xuseen iyo Maryan Xuseen Maxamed Awreeye.

shirka-uganda12.jpg

Waxaa furitaankii shirkaas ka hadlay mas’uuliyiin ka kala socotay Qaramada Midoobay, Hay’adda Caalamiga ah ee Interpeace, Hay’adda Cilmi Baarista iyo Wadatashiga CRD iyo Fannaaniin Soomaaliyeed, oo si qoto dheer uga hadlay xal u helida Mushkiladda Soomaaliya.

Waxaa furitaanka ka hadlay C/raxmaan Raage oo ka socday Hay’adda Interpeace, isla markaana ka mid ah Guddiga Qabanqaabada Shirkan, wuxuuna ka qeyb galayaasha shirka uga mahadceliyay waqtiga ay u soo hureen in ay ka soo qeybgalaan shirka looga hadlayo nabadeynta Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu u mahadceliya Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Siyaasadda Soomaaliya, kaasi oo uu sheegay in uu la yimid weji cusub oo ah in xalka Soomaaliya la heli karo.

shirka-uganda1.jpg

Mudane C/raxmaan Raage wuxuu intaas raaciyey in shirka looga hadlayo nabadeynta Soomaaliya uu yahay mid loo qabtay dadka Soomaaliyeed oo iyagu leh talada xal ka gaarista mushkiladda Soomaaliya.

Waxaa kaloo  shirkaas ka hadashay haweynay ka shaqeyn jirtay Idaacadda BBC-da ee magaceda la yiraahda Susannah Price, haatan u shaqeysa Qaramada Midoobay, waxayna shirka wakiil uga ahayd  Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Axmedou Ould-Abdallah, isla markaana ay jeedineyso farriin uu shirka ugu talagalay Danjire Abdallah.

Susannah Price ayaa  sheegtay in Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ay laf dhabar u yihiin isbedel ku yimaada Arrimaha Soomaaliya, “Ururrada Bulshada Rayidka mar kasta waxay cod u yihiin inta badan ee aan codka lahayn sida Caruurta, Haweenka, Dadka Waayeelka ah, weyna ku amaanan yihiin doorkaas”.

Balse waxay sheegtay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto la shaqeynta qeybaha kala duwan ee Ururrada Bulshada Soomaaliyeed, waxaana rajeynayaa ayay tiri in aan ku guuleysan doonno nabadeynta Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, waxaa  shirkaas ka hadlay Fannaaniin ay ka mid ahaayeen Cabdi Dhuux Yuusuf Xasan, Sugaal Cabdulle iyo Maki Xaaji Banaadir oo soo bandhigay suugaan ka turjumeysa dhibaatada Soomaaliya ka taagan iyo sida xal loogu heli karo.

Hase yeeshee waxaa magaca Fannaaniinta ku hadlay Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf Xasan wuxuuna yiri,“Haddii aan nabad rabno hadalka yaan la badin, waxaan rabnaa nabad, Dowlad sheego ama Urur Diimeed sheego.

Waxaad ogaataan in dalka naga dhaxeeyo, yaan la isku qasbin, aniga i soo raac xabad xal ma noqoto, in yar baan nahay baaqiga ka haray dadka Soomaaliyeed aan ceyminno dhulkeena waa nagu filan yahay”.

SomaliSwiss  Kambala Uganda

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: